Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Ee Waqooyiga Amerika Oo Tacsi U Diray Qoyska Nuux Xuseen Turub Oo Maanta Hargaysa Lagu Aasay.

(SLT-Hargaysa) Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee waqooyiga Amerika Mustafe Cabdi Cartan, ayaa tacsi tiraanyo leh u diray qoyskii qarabadii iyo eheladii uu ka baxay Marxuum Nuux Xuseen Turub, oo maanta Hargaysa lagu aasay. Mustafe Cabdi Cartan oo ay saxiib dhaw ahayeen marxuumka ayaa khadka Telefoonka nagula soo xidhiidhay isagoo ku sugan Magaaladda Toronto ee dalka Canada, wuxuuna ku bilaabay dhanbaalkiisa tacsida ah.

download

“Inaa Lillaahi Waa Inaa Ilayhi Raajicuun, waxaan halkan tacsi tiraanyo leh uga dirayaa qoyskii qarabadii iyo eheladii uu ka baxay Marxuum Nuux Xuseen Turub, oo maanta lagu aasay Magaaladda Hargaysa, marxuumka oo ku geeriyooday dooxa Dacarbudhuq, waxaan halkan uga mahad naqayaa dhammaan dadkii ka qayb qaatay raadinta maydka marxuumka. Haday ciidamadda qalabka sida tahay, iyo haday shacabka iyo masuuliyiinta degmada Dacarbudhuq tahay. Geeridu waa xaq mid xanuun badan ayay ahayd ta maruum Nuux Xuseen Turub ku timi alle ayaase qadaray. Markale illahay samir iyo imaan haynaga siiyo dhammaan ummada Somaliland”.

Marxuum Nuux Xuseen Turub ayaa kamid ahaa Sarakiishi hore ee Ciidamada wuxuuna ku geeriyooday Magaaladda Dacarbudhuq doxeeda.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office