Guddoomiyaha Wakiillada Oo U Gudbiyey Guurtida Nuqul Aan Ahayn Xeerka Diiwaangelinta Ee Wakiilladu Ansixiyeen

(SLT-Hargaysa)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa la sheegay inuu wax-ka-beddel ku sameeyey qabyo-qoraalka xeerka Diiwaangelinta muwaaddiniinta iyo codbixiyeyaasha, kuna daray waxyaabo dheeraad ah oo aan ku jirin xeerkaas mudanayaasha golihiisu ansixiyeen, kaasoo loo gudbiyey Golaha Guurtida Somaliland.

0-gud-ciro

Golaha Guurtida, ayaa hakiyey xeerkaas loo gudbiyey, kadib markii Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad sheegay maalintii Salaasada inay madmadow badan lagu arkay xeerka laga soo gudbiyey Golaha Wakiillada, kaasoo ay ka muuqdaan qodobbo, farqado iyo cutub dheeraad ah oo lagu daray.

Qabyo-qoraalka xeerka diiwaangelinta muwaaddiniinta & codbixiyeyaasha oo Golaha Wakiilladu ansixiyeen 30 September 2014 iyo xeerka kale ee la sheegay in Guurtida loo gudbiyey oo Jamhuuriya helay nuqullo ka mid ah, waxa u dhexeeya farqi weyn oo sababay in Guurtidu hakiyaan meel-marintiisa.

Qodobka 3aad ee xeerkan oo tilmaamaya habka ku dhaqanka oo qeexaya in maamulka xeerka diiwaangelinta madaniga iyo codbixiyeyaasha ay u kala xilsaaran yihiin Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxa si qarsoodi ah loogu kordhiyey qayb ah dawladaha hoose ee degmooyinka.

Waxa kale oo xeerka loo gudbiyey Guurtida lagu daray qodob aan ku jirin xeerkii Golaha Wakiilladu meel-mariyey oo laga dhigay qodobka 4aad, kaasoo u qoran sidan:

Qodobka 4aad: Diiwaannada codbixiyeyaasha qaranka Somaliland.

1. Qaranka Somaliland waxa uu yeelanayaa diiwaangelin muwaaddin oo lagu qori doono muwaaddin kasta oo u dhashay Somaliland.

2. Qaranka Somaliland waxa uu yeelan doonaa diiwaanka codbixiyaha, diiwaankaas oo lagu diiwaangelin doono muwaaddin kasta oo xaq u leh inuu wax doorto amma la doorto sida ku cad dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka.

3. Labada diiwaangelinood ee ku xusan farqadaha 1aad iyo 2aad waxay noqonayaan dukumanti lagu kaydiyo qalabka kombuyuutarka iyo diiwaanno ka kooban dhammaan xogaha lagu qoro muwaaddinka marka loo diiwaangeliyo muwaaddin ahaan ama codbixiye ahaan.”

Haseyeeshee xeerka Golaha Wakiilladu ansixiyey waxa qodobkan u qoran in la aasaaso diiwaannada sugidda muwaaddinimada iyo codbixiyeyaasha qaranka Somaliland, iyadoo

aan wax farqado ah loo samayn.

Qabyo-qoraalka xeerka diiwaangelinta muwaaddiniinta iyo codbixiyeyaasha ee Golaha Wakiilladu ka gudbay qodobkiisa 6aad, waxa qeexiddiisu u qornayd; ‘Waxa reebban in shaqsiyaad hoos ku xusan loo diiwaangeliyo warqadda aqoonsiga iyo codbixiyaha, balse, nuqulka xeerka loo gudbiyey Golaha Guurtida waxa qaybtaas loo beddelay sidan; “Dadka ay reebban tahay in loo diiwaangeliyo muwaaddin ahaan waxa tilmaamaya xeerka jinsiyadda ee Xeer Lr. 22/2002.Qodobka 7aad ee xeerka mudanayaasha Wakiilladu ansixiyeen waxa ku qornaa ansixinta diwaangelinta, iyadoo xeerka Guurtidu diiddayna qaybtaas laga dhigay kaydinta diiwaangelinta

Sida ku cad labada nuqul ee kala ah xeerka ee Golaha Wakiilladu ansixiyey iyo ka guurtida loo gudbiyey oo weriyeyaasha Jamhuuriya arkeen, waxa xeerka Guurtida u gudbay lagu daray qoddobbo, farqado iyo cutub aan ku jirin xeerka rasmiga ah, iyadoo sidoo kale qodobadda qaarkood lagu kordhiyey hadallo aan hore ugu jirin, arrintaas oo keentay in Golaha Guurtidu joojiya dooddiisa, kadib markii ay ogaadeen in waxyaabo dheeraad ah lagu daray.

Tusaale ahaan; waxa la beddelay qodobka 28aad ee xeerkaas, isagoo nuqulka Golaha Wakiilladu meel-mariyey uu qodobkaasi u qornaa sidan; ‘Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqaya xilliga la bilaabayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha, isagoo ku soo saaraya xeer madaxweyne, kadib marka uu helo soo-jeedinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka muddo 15 maalmood gudahood ah oo ka bilaabanta marka uu helo soo jeedinta.’

Hase ahaatee, qodobkaas waa la beddelay, waxaannu ugu qoran yahay xeerka Guurtida loo gudbiyey sidan; “Komishanka Qaranka ayaa ku dhawaaqaya xilliga la bilaabayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha marka ay la tashadaan asxaabta qaranka, waxayna ku wargelin doonaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.”

Waxa kaloo qabyo-qoraalka xeerka diiwaangelinta muwaaddiniinta iyo codbixiyeyaasha ee loo gudbiyey Golaha Guurtida lagu daray cutub dheeraad ah (cutubka 4aad), halka xeerka Golaha Wakiilladu ansixiyey ka kooban yahay saddex cutub oo keliya, waxaannu cutubkaas dheeraad ah ku jiraa nuqulka xeerka Guurtidu qabteen oo lagu qeexay in la sameeyo guddi farsamo oo ka shaqeeya diyaarinta iyo isku-duwidda hawlaha diiwaangelinta, kaasoo ka kooban Komishanka Doorashooyinka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo saddexda xisbi qaran.Sidoo kale, waxa xeerkaas ku jira qodob dheeraad ah (qodobka 41aad) oo lagu sheegay in Komishanka Doorashooyinku gacan ka gaysanayaan arrimaha nabadgelyada iyo wacyigelinta ee hawlaha diiwaangelinta.

Xagasho Jamhuuriya.