Guddoomiyaha Guurtida Oo Caddeeyay Inay Laba Kala Yihiin Xeerka Diwaangelinta Madaniga Ah Ee Wakiiladu Ansixiyeen Iyo Ka Loo Soo Gudbiyey & Tuhunnada Jira .

“Xeerka Diwaan-gelinta, Warqad Wakiilladu soo gudbiyeen ayaa mugdi nooga muuqday, dabaddeedna waxaanu ku celinay  qoladii soo gudbisay ee  Wakiilllada  oo aanu ku nidhi isa soo waafajiya” Saleebaan Maxamuud Aadem

 

Hargeysa (Somalilandtoday) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo markii u horaysay sharaxaad ka bixiyey sababta ay dib ugu celiyeen xeerka Diwaan-gelinta medeniga ah iyo codbixiyeyaasha golaha Wakiillada , ayaa daboolka ka qaaday inaanay gole ahaan dariiqa u xaadheyn cabaqad keeni karta in Muddo kordhin loo sameeyo Xukuumadda, kana shaqeynayaan sidii shuruucda loo sixi lahaa.

Cirro-iyo-Saleebaan-gaal

Saleeban Maxamuud Aadan oo Isniintii Wariyeyaasha kula hadlay xafiiskiisa, ayaa xaqiijiyay inay Golaha la soo doortay  ee Xeer-dejinta ay  ku celiyeen lifaaqa Xeerka loo soo gudbiyay, taasoo uu sheegay inaanay iswaafaqsanayn xeerkii Golahaasi ansixiyay iyo kan loo soo gudbiyay iyaga.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Shir-guddoonka Wakiilladu u soo qoreen warqad kale oo jawaab celin ah, taasoo aan wali isaga soo gaadhin, balse buu yidhi isla mawduucan la xidhiidha “Xeerka Diwaan-gelinta, Warqad Wakiilladu soo gudbiyeen ayaa mugdi nooga muuqday, dabaddeedna waxaanu ku celinay  qoladii soo gudbisay ee  Wakiilllada  oo aanu ku nidhi isa soo waafajiya. Halkaasaa aniga iigu war dambeysay, waxaase la leeyahay warqad kalaa soo noqotay oo aanan wali arag” ayuu yidhi.

Guddoomiyaha oo iftiimin ka bixinaya waxa ay ka wada hadleen dhigiisa Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Cirro, ayaa yidhi “Guddoomiye cirro waxaanu ka wada hadalnay wixii laba Golle ka wada hadli jireen. Xeerarku labada golle way u kala gudbaan ee haddi wixii aanu is nidhi ay ku qanci waayaan dee iyagay u banaan tahay inay go’aan dambe ka gaadhaan”.

Su’aal laga waydiiyey sida uu arko Doodda Mucaaridka ee sheegaysa in dib u soo celinta Xeerka ay Guurtidu dariiq ugu xaadhayso wakhti dherer kalifa in muddo kordhin xukuumadda loo sameeyo, ayaa waxa uu kaga jawaabay “Annaga sharci qaran oo wax lagu wanaajinayo dib u dhigiisu nama qabato ayaannu leenahay, annagu waxaanu is nidhaahnaa wax wanaajiya, walina waxaanu isleenahay waxbaad wanaajinaysaan, golihii kale ee wakiillada ayaanan war ka sugaynaaye aan is-aragno”ayuu ku jawaabay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleeban Maxamuud Aadan.

Xisbiyada Mucaaridka ah iyo daneeyayaasha maxaliga ah ee Doorashooyinka dalka ka qabsoomaya 2015-ka, ayaa dib u soo celinta Guurtida ee xeerka diwaan-gelinta ku fasiray arrin caqabad ku keeni karta geedi socodka howlaha doorashooyinka, sida uu sheegay Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen.

Laakiinse Guddoomiyaha Xisbiga Xukuumiga ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku tilmaamay doodda dhinaca Mucaaridka ka imanaysa ee ku saabsan muddo korodhsiga xukuumadda waxba kama jiraan.

Xigasho Wargayska Somalilandtoday.