“Madaxwayne Ku Xigeenku, Waa Nin Kulmiye Ah Ee Adigu (Cirro) Soo Bandhig Xeerka Aad Guurtida U Gudbisay” Jaamac SHABEEL

(SLT-Hargeysa) – Gudoomiyaha golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye, Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa sheegay inaan xukuumadda somaliland waxba kaga qabyo ahayn hawlaha ku taxaluqa doorashooyinka soo socda.

“Doorashada hawsheeda inta badan annaga ayaa iska leh, waxna baarlamaanka ayaa leh, waxna deeq bixiyayaasha ayaa leh, saddexdaas qolana marka ay wada shaqeeyaan ee qolo waliba ay ka soo baxdo wixii dhinaceeda ah ayey doorashadu ku qabsoomaysaa wakhtigeeda, marka aan leeyahay baarlamaanka ayaa wax leh, cabdiraxmaan Cirro oo gudoomiyaha xisbiga Waddani ah ayaa badh leh, ansixinta guddida doorashooyinka wakhtiga loo soo gudbiyey waa laga war hayaa walina lama ansixin oo isaga ayaa haya”

Jaamac Shabeel oo sii hadlaya ayaa yidhi “Cabdiraxmaan Cirro, waala eedaynayaa, laakiin kuwa eedaynayaa waa inay wax cad keenaan, isna waa inuu joojiyaa xaskan uu isku mar marayo iyo meelahan kale ee uu kula gal galanayo wax aan waxba ka jirin iyo eedaynta beenta ah, madaxweyne ku xigeenka gurigiisa haddii ay fadhiisteen gurigiisa yaa u diidaya madaxweyne ku xigeenku waa nin Kulmiye ah raga fadhiistayna waa rag kulmiye ah, habeen iyo maalina way wada fadhiyayaan waanay fadhi doonaan.”

s

Jaamac Shabeel oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Adiga (Cirro) ayaa golaha guddoomiye ka ah waxan laga cabanayo u soo fadhiisi golaha, xeerka aad gudbisay soo dhig, haddii aad wax ku dartay ka noqo socon waydee, haddii aanad waxba ku darina qanci umadda”