Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo Khudbad Ka Jeediyey Shirka Baarlamaanada Afrika.

(SLT-Johanesburg)-Guddoomiyaasha Barlamaannada dalalka Qaaradda Africa, ayaa kulankoodii sanadlaha ahaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay uu uga furmay xarunta Baarlamaanka Africa ee magaalladda Johansbeg.

Soomaaliya oo qeyb ka ah dalalka Africa, ayaa waxaa shirkaasi uga qeyb-galaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya  Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

 

Md. Jawaari, ayaa wafdigiisa waxaa qeyb ka ah, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka South Africa Jamaal Maxamed Barrow, wasiiro iyo xubno kale.

Kulanka waxaa looga hadlayay arrimo muhim ah oo quseeya Qaarada Africa gaar ahaan dhallinyarada Africa sidii loogu diyaarin lahaa hogaaminta Siyaasadda Qaaradda iyo maamulka dhaqaallaha, iyada oo la siinayo fursadahii ay kula wareegi lahaayeen howshaas.

“Bulshada Soomaaliyeed 70% da’dooda waxay ka hooseeysaa 30 jir, halka 42% da’dooda ay u dhexeyso 14 ilaa 29 kuwaasi oo ay horyaallaan arrimo badan oo xal u baahan”,  sidaasi waxaa kulanka ka sheegay Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh CusmaanJawaari.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliy Md. Maxamed Sheikh Cusmaan “Jawaari” ayaa waxaa uu sheegay in dhallinyarada looga baahan yahay in garab laga siiyo saddax dhinac