Goortaan Dhurwaayada Didshaba Dhidaro Loo Yeedh

Dhaqaneiyo dhaashane

dhalin weeye magaallo.

dhaqankoodu mid maaha .

Dhaliil la iskama qaato .

DHafoor taabasho weeye .

Dhibtana la iskuma eego.

daily way kaftamaan .

Hadana la isma dhegaysto.

Dhoohanaad tahay waalan

iyo adaa dhoocil ka liita

warkoodaa ku dhamaadee .

Kaalayoo bal dhegayso.

Dhaashane:Waar heedhe ma maqashay inuu roobki meelo badan ka da`ay?

Dhaqane:Ala denbigaa gasheen waynaayee.waar bal ka dambe uun iska yareeya.Bal inta ummadaa la ganaaxay day.

Dhaashane:Adeer denbiga anagoo qudhi maanu geline dadkoo dhan baa galaye waxan ku waydiiyey .Maxaad kaadhkaagii u doonan wayday waadigii lahaa waan isa soo diiwaangeliyee?Mise waad baqaysaa waxaad is tidhi ,waa lagu xidhi?

IMG_8756

Dhaqane:Horta doorashaba ma dhacaysaa

baa ka horaysa kaadhka.
Dhaashane:waar waxaa indinkuunbaa akhriyee ONE DAY dambe lagu dari maayo tan e orod kaadh kaaga doono adeer.

Dhaqane:Hadaa doorasho ku talo gasheen maa dadka idinla tartamaya tacadiga ka daysaan oo tartanka ogolaataan?Waa maxay doorashaanu qabanaynaa iyo kuwii nala tartami laa oo dhan waa wada xidhaynaa.Dee isla tartama idinku hadaa.

Dhaashane:Waar anagu shaqo kuma lihin dee .Booliiskaa sharciga inoo ilaalinayaa xidhay adeer.

Dhaqane:Goortaan dhurwaayada didshaba dhidaro loo yeedh.Sheekaan kuu hayaa dee:Waxa la yidhi beri baa oday yar oo fariid ah oo reer Caynaashe ah ayaa reerkooda sekada ka qaadi jiray.Ninku haduu adhi badan yey iyo haduu adhi yar yahayba habeenkiina neef baa loo qali jiray ,subaxiina sabeen baa loo soo xidhi jiray.Beri dambe ayaa isagoo wadaadki safar ku maqanbaa reerihii waxa u yimid wadaad Cimraan ah .Wadaadkiibaa nin adhi badani habeenkiina neef u qalay ,subaxiina sabeen u soo xidhay.Wadaadkii Cimraan ayaa yidhi,adeer adhigaaagu waa imisa ?Odaygii baa yidhi,adhigayga maxaa tiradiisa kaa galay wataa sabeentaadiye?Wadaadkiiba dadkii diintii u sharxay oo yidhi qalad buu sheekhiinaa hore samayn jiray e diintu waa sidaa.Wadaadkii safarka ku maqnaa baa soo noqdoo lagu yidhi ,waar waxba maad aqoon adeer sheekh diinta si fiican u yaqaan baa noo yimi.Wadaadkiibaa yidhi ,bal hada kaalayaba an idin tuso inaan ninkani diin waxba ka aqoone.Intuu rag badan kaxeeyey ayuu waydiiyey ,sheekhow quraanka suuratul cimraan ma ku jirtaa ?wuxuu yidhi HAA .wuxuu waydiiyey sheekhow quraan suuratul CAYNAASHE mak u jirtaa.wuxuu yidhi,MAYA.wuxuu yidhi,ma ninkaasaa leedihiin wax buu yaqaan?Nimaankii la socday oo dhami sheekhii CImraan bay ku yidhaahdeen .Waar na dhaaf quraana ma taqaanide.

Waa qalinkii:Baxnaan xaaji aden diiriye

Sweden