GOORMA IYO GOOBTEE AYAA LA TAAGAY CALANKII U HOREEYAY EE SOOMAALI XOR AHI YEELATO?”

Waxaa arrin layaab iyo facijiso taariikheed noqotey ah xuskii xamaasada badnaa ee maamulka Xasan Sh. Maxamuud ee Muqdisho ku qaabileen maalintii shalay ahayd oo ku beegneyd taariikh ahaan 12-kii October, 2013. Maalintan oo ay madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo Raysal Wasaare Saacid ku timaameen “Maalintii Calan Soomaali Leedahay La Taagay”.

kana laqaatay
Qoraalkani wuxuu jawaab, gurmad iyo sixidba u yahay taariikhda isirka Soomaalida ah ee hadda la maamulkaasi wasakhaynayo. Waxa kale oo qormaddani cod dheer ugu hiilinaysaa runta-taariikhda iyo xaqiiqadda biyo-kama-dhibcaanka ee goobtii iyo goortii la taagay calan ay leedahay Soomaali (dal) xor ahi isla markaana u dhalato dawlad ay dad Soomaaliyeed leeyihiin oo leh calan u qalma in la xuso
.
MAXAA DHACAY 12-KII OCTOBER, 1954?
Bilawgii kontameeyihii bay ahayd markii Maamulkii Milateriga ahaa Gumeystihii Ingiriisku (BMA) uu dib gacanta Gumeystihii Talyaaniga oo loo igmaday inuu Soomaaliddii ku hoos jirto u carbiyo dawladnimo madax-banaan oo ay yeeshaan deeganadaasi (Trust Territory). Haddaba dawladdii Talyaanigu waxay u soo magacowday hawshan carbinta iyo laylinta Soomaalidii gumaysigiisa ku hoos jirta Maamule la odhan jiray Giovanni Farnari.
28-kii March, 1954 ayay ahayd markii la doortey Goleyaal Deegaan oo ka hoos shaqeeya Giovanni Farnari. Golahani waxay taariikhdu ku dhufatay barro-madow oo xusuus mudan oo dhowr ah. Barta madow ee kowaad waxay ahayd inuu golahii heer degaan ee u horeeyay eek u yimaad hanaan doorasho-lab-keliya (dumarka looma ogalaan inay codeeyaan). Ta labaad waxay ahayd, in golahani in ka badan 20% ay ahaayeen dad aan asalkoodu Soomaali ahayn balse gumaysiga la socday (20 Carab; 10Talyaani ah; 3 Pakistaaniyiin halka 1-mudane ka ahaa Hindi)…
Ta saddexaad una dambaysaa waxa weeyi in golahan heer degaan ee xaaraanta ahi ahaa waxa keliya ee nidaam ahaan jiray isla markaana uu toos u hoos tegi jiray masuul gumayste Talyaani ah – waa Giovanni‟e. Haddaba Goleyaashan (35 gole degaan iyo 318 kursi) jacburka ahaa ee isugu jirey muwaadiniintii dalkooda la haystey iyo ajaanib laga soo waariday dalal kale oo dunnida ah, ayaa samaystey calaamad u eekeyd calankii ay qaadatey Jamhuuriyadii midawgiii Soomaalida ee United Somali Republic ee ay ku midoobeen Soomaalilaan iyo Soomaliya 1960-kii. Calaamadani waxay ahayd buluug iyadoo ay dhexda kaga taalay xidig 5-geesood ahayd oo cadayd. Siddoo kale waxay adhiyaysatadani, iyagoo ku shaqaynaya amarka Giovanni, ay asteeyeen maalin ay ugu magac dareen “Maalinta Calanka Qaranka”. Qarankee? Ma Talyaaniga mise mid kale oo aan jirinba?
GOORMUU QARAN CALAN YEELAN KARAA? QARAN AAN JIRIN CALAN MA YEELAN KARAA?
Sideedaba Calanku waa astaan iyo sumad qaran (state0) leh madax-banaani iyo dawladnimo taam ah. Ma jiro Calan la isla yaqaano oo ay leeyihiin dadyaw ama umad aan lahayn dawladnimo, madaxbanaani iyo qaranimo leh baadisooc gaar ah oo la aqoonsan yahay. Haddaba, waa wax lala yaabo iyo hawraar aan raad lahayn ah dooda madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ku dhawaaqay ee ah waxaa la taagay calan Soomaaliyeed xilli ay Soomaalidu u kala qaybsanayd saddex gumeyste; Talyaani, Ingiriis iyo Faransiis.
1954-kii may jirin istiqlaal ay Soomaali haysatey iyo dawladnimo ku dhisan qaranimo buuxda oo la odhan karo waxay yeelan karaysay Calan iyo astaamo dawladnimo. Astaan kasta oo xiligaa gumaysiga ama nidaam ka hoos shaqaynayay lahaa waa “sumad gumaysi”.
Haddaba su‟aashu waxay tahay sidee uu Calan u yeelan karaa qaran aan jirin oo aan ku naaloonayn gobinimo iyo xornimo buuxda? Jawaabta su‟aashani waa mid sugaysa oo u taala cidii xustey 12-ka October 1954 ee ku sheegtey maalin qaran! Waxaa sidoo kale la yaab leh in la xuso Calan ay sameeyeen Goleyaal deegaan oo ku hoos jira maamul gumeyste isla markaana kusoo baxay doorasho aan loo dhammayn oo ay ka maqnaayeen haweenkii Soomaaliyeed (oo habeen hore qaarkood xidhnayeen summadaas).

MAANTA IYO SHALAY: LABA MAAMUL OO MATAANO AH!
Haddaba waxay isweydiin kale noqon kartaa maxay wadaagaan ee ay ka siman yihiin golayaashii 1954-kii (aan u bixino Gole-Giovanni) iyo ka maanta ee maamulka uu madaxwaynaha ka yahay Xasan Sh. Maxamuud ka jira magaalada Muqdisho? Labadan maamul ee mataanaha ahi waxay wadaagaan waxyaalo dhawr ah oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:
Goleyaashaas astaanta-gumaysi ee u eg calankii labadda dal isla qaateen sameeyay waxay ahaayeen kuwo ka hoos shaqeeya wakiilkii Gumeystaha u qaabilsanaa diyaarintii maamul Soomaaliyeed oo hanta dawladnimadii ay ku taamayeen Soomaaliyadii maxmiyada Talyaanigu haysatey. Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud waxa uu hoggaamiyaa maamul u eeg kii barigii 1954-kii oo marti u ah ciidamo shisheesheeye taladiisuna ka go‟do ciddo kale.Shalay waxaa joogay Giovanni Farnari (maamulihii Talyaaniga ahaa; isla markaan Qaramadda midoobay si uga wakiil ahaa) oo golayaashaasi u adeegayeen, maanta Xasan Sheekh iyo Saacid maamulkoodu wuxuu u hayalsan yahay Nicholas Kay balse aan Giovanni ka fogayn – magaca uu doono ha ku joogee.
Maamulkaas iyo golahaas gumaysigu wuxuu asteeyay in 12-ka Octoobar maalin calan noqoto, Xasan iyo Saacidna waxay noqdeen maamulkii u horeeyay ee u dabaal-dega maalin iyo astaan gumaysi.
Haddii shalay Hindi, Paakistaani iyo Talyaani golayaashaas ku jireen maanta Xasan Sheekh taladda uu ku magacaaban yahay kama madhna Yugaandhiis, Kiiniyaan, Itoobiyaan, Talyaani, Qadariyiin iyo kuwo kale oo badan.
Shalay golayashaasi 1954-kii dumarkii isirkooda ahaa Soomaliga ee dhulkaa ku noolaa looma ogolaan inay aayahooda ka tashaddaan,maantana Xasan Sheekh wuxuu dumarka uu sheego inuu taliyo oo 55% ka dadka dalka Soomaliya ee aan jaarka nahay siiyay 2 kursi oo ah cad-quudheed.
Inkastoo Xasan Sheekh iyo xertiisu xor u yihiin inay xusaan maalin kasta oo ay cashaqaan Haddii ay u marayso, hadanna damiirka iyo garashadda wadaniyad lihi ayaan yeelayn in madax-waynuhu isagoo jooga Itoobiya (oo kontomeeyaddii gumaysigu ku wareejiyey dhul soomaaliyi leedahay) aanu halkaa ka soo dabaal-degin. Haddaba u waynaynta iyo u ciyaarist „maalintan 12-ka Oktoobar iyo astaanta gumaysigu lahaa‟ xuskeedu wuxu keenayaa su‟aalo ka badan jawaabaha qormadani u babac dhigi karto. Waxayna u taalaa dadka uu magacooda sheeganaya inay ka dhiidhiyaan Qaran lagu dul dhisayo
sees gumaysi balse anaga (reer Soomaalilaan ahaan) waxa na khuseeya waxa weeyi inataariikhda-naga aanu il-taxadar leh ku ilaalino waana ujeedadda kama-dambaysta ah war-murtiyeedkan.

GOORMAY AHAYD MARKII U HOREYSEY EE LA TAAGAY CALAN SOOMAALIYEED OO XOR AH?
Sida ku cad oo ay ka markhaati kacayso taariikhda aan samayska ahayn ee xaqiiqada ahi, waxay Soomaalidii u horeysey ee xor noqotaa calan yeelatey 1960kii, bishii June 26keedii. Waxaana Calankaas laga taagay masaajidka 26-ka June, (Ibrahim Dheere Mosque oo hore loo odhan jirey Beerta Xorriyada) kuna taalla badhtamaha magaalada Hargeysa. Xafladii Calan-taaga oo dhacaysay goor ku beegneyd 12:00 habeenimo ayaa ahayd madal xus iyo xasuus leh taasoo ay si cad u baadisoocdo taariikhda gobonimo doonka Soomaalida. Waxa habeenkaas curatay qarankii u horeeyay ee dad isirkoodu yahay Soomaali ay yeeshaan. Qarankaas waxaa loogu magacaabay „JAMHUURIYADDA SOOMALILAAN‟ waxaanu aqoonsi ka helay dalal ka badan soddomeeyo oo markaa xor ahaa. Nasiib-darro dalalkaas aqoonsday Jamhuuriyadda Soomaalilan kuma jirin kuwo ay isir Soomaaliyeed lahaayeen madaama degaanadda Soomaalida ah ee kale markaa ay saarnayd heeryaddii gumaysigu. Waxa kale oo nasiib darro in qaranimaddii Jamhuuriyaddii cusubayd ee Soomalilaand luntay 4 maalmood kadib markii Soomaliddii Muqdisho qaadatay xornimadda 1-dii July 1960. Xoriyadaas luntay, halgan qadhaadh oo dheer kadib, waxa dib loo soo celiyay 18 May 1991 iyaddoo astaamihii gumaysiga ee lagu qalday dalka Jamhuuriyda Soomaalilaan xooray oo astaystay kuwo u gaar ah.

MAXAY TAHAY UJEEDADA MAAMULKA SOOMALIYA KA LEEYAHAY KA-BEEN-ABUURISTA TAARIIKHDA SIDAYSE SAAMAYN UGU LEEDAHAY JAMHUURIYADDA SOOMALILAAN?
Maaha markii u horaysay ee nidaam ka jira Soomaliya uu si badheedh uga been abuuro taariikhda Soomalilaan. Hore waxaa u dhacday in laga abuuray taariikh muhiim u ah jiritaanka iyo qaranimadda reer Soomaaliland. Kuwa la xusi kara waxaa ka mid ah in SYL-shu ka hor samaysan tahay SNL dhalisay xoriyaddi Soomaliland?
In Beertii xorriyadda ee calanka Soomaliland laga taagay uu nidaamkii Siyaad Barre ka raray halkeedii una raray halka ay imika tahay? In 1961-kii ay dadka reer Soomaaliland u codeeyaan distoor midnimo labaddii dal ee isku biiray? Iyo kuwa kale oo badan.
Ujeedadda been-abuurka taariikhda calankii u horeeyay ee Soomaali yeelatay in muqdisho laga taagay kama duwana kuwii hore ee ahaa in la tir-tiro taariikhda
dahabiga ee Soomaliland waxayna ku soo beegmaysaa xili maamulka Soomaaliland wada-hadalo kula jiro Soomaaliya.
Waxa kale oo iyana aan ahayn kama‟ in kontomeeyaddii ay ahayd xili dahabi ah soo maray beesha Xasan Sheekh iyo Tan Ra‟isal wasaare Saacid. Tusaale ahaan 1956 waxay Soomalidand yeelatay baarlamaankii u horeeyay ee ay hogaamiyaan Adan Cabdulle Cisman iyo Cabdillahi Ciise Maxamuud oo noqday raysal wasaarihii u horeeyay ee maamulkaasi yeesho. Saacid, raysal-wasaaruhur, malahayaga, wuxuu ka dhawaysanayaa 21-kii Octoobar, maalintii kacaanka oo ah uun 12 Octoober oo la is-daba- mariyey kowda iyo labadda (12 october mise 21 octoobar).Taa lidigeeda dadyowga digil-iyo-midhifle waxaa u dumay gabalka iyaddoo la dilay hogaamiyahoodii Macalin Cusmaan Maxamed Xuseen oo madax ka ahaa xisbigii dadkaas metalayey ee HDM. Waxaa kale oo iyana dhacday in xiligaas dadkaas digil-iyo-midhifle la bilaabay in lagu qabsado magaaladda Kismaayo oo degaan xoogan ay ku lahaayeen; dhacdadan oo u eg ta maanta mar kale Kismaayo uu Raysal Wasaare Saacid ugu boobayo isla degaankaas Kismayo.
Markaad eegto arrimahan malaha Saacid iyo Xasan Sheekh waxay u dabaal-dagaan „Gugii Reerahooda ee Dahabiga ahaa‟. Dadka reer Soomaaliya ayay u taalaa inay arimahaas ku gelayaan iyo in kale balse waxaan M/weyne Ahmed Silanyo iyo dadka reer Soomaalilaan ku baraarujinaynaa inaanay u dulqaadan khiyaamooyinkii shalay in mar kale lagula soo dhaco. Waxaananu dawladda Soomalilaan u soo jeedinaynaa inay arrintaas tallaabo cad ka qaadato ayna ka fiirsato shirqooladda loo maleegayo xili ay wada-hadalo dhalanteed ah kula jirto maamulka Xasan Sheekh ee magaaladda muqdisho ku eg aan matalin dadkiisa .
Allaa Mahad Leh
Xarunta Daraasaadka Siyaasadda iyo Istraatiijiyada Geeska Afrika
(Horn of Africa Center for Strategic and Policy)

Farxaan M. Xidig

Tell: 4200447

Email: erigavo.som@gmail.com

Hargeisa Somaliland

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Fekrada Iyo Qaabka Fahan Ee Qoraalkan Waxaa Iska Leh Qoraaga Ku Saxeexan, Kasbashadiisa Iyo Ka Booditaankiisuna Wuxuu Gaar U Yahay Isla Qoraaga. Marnaba Kama Masuul aha Shabakadda Somalilandtoday.com Balse waxay Shabakaddu Diyaar u Tahay Is Dhaafsiga Rayiga Gacal Wadaaga Ah……..