Goob-joogayaasha Maxalliga Ah Oo Warbixin Hordhac Ah Ka Soo Saaray Doorashadii Madaxtooyada.

(SLT-Hargeysa)-Kormeerka goob-joogayaasha maxaliga ah ee doorashada Somaliland ayaa warbixintii ugu horeysay ka soo saarey codbixintii doorashadii ka qabsoontay dalka  13 Nov. Kormeerka goob-joogayaasha maxaliga ah ee doorashada Somaliland oo shaley war saxaafaddeed ku qabtay magaalada Hargaysa ayaa waxay sidoo kale soo bandhiggeen warbixin hordhac ah oo ku saabsan codbixintii doorashada maddaxtooyada ee dalka ka dhacdey, Kormeerka goob-joogayaasha maxaliga ah ee doorashada Somaliland iyaga oo ugu horeyna sheegay in ay si wanaagsan u qabsoontey codbixinta doorashadu. Kormeerka goob-joogayaasha maxaliga ah waxay sheegeen in goobihii loogu talo galey maalintii Isniinta codbixinta doorashadu ay furmeen boqolkiiba sagaashan (90%) wakhtigii loo qorsheeyey, boqolkiiba tobona (10%) ay furmeen kadib wakhtigii loogu talo galey.

 

Dhanka kale Kormeerka goob-joogayaasha doorashada Somaliland waxay qireen in qalabkii doorashda la adeegsanaayey si habsami ah u gaadhey goobihii codbixinta loogu talo galey, sidoo kale waxay xuseen in goobaha qaar loo diidey ama laga soo saarey iyaga oo sheegay in aayaney jirin wax sabab ah.

Kormeerka goob-joogayaasha doorashada Somaliland mar warbaahintu wax ka weydiisay waxa sababay in masuul ka tirsan   xisbiga mucaaridka ah ee Waddani laga soo saarey goob codbixin ka dhaceysay oo ku taala magaalada Hargaysa gaar ahaan dugsiga Sh. Cali Ibraahin waxay sheegeen in guddiga Koomishanka doorashooyinka qaranku masuulkaasi iyagu soo saareen.