“Golaha Wakiilada Waxaanu Uga Fadhinay Inay Distuurka Dalka Dhawraan” S. Ibraahim J. Samater

(SLT-Hargaysa) – Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo kamid ah Saladiinta waa weyn ee dalka ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Golaha Wakiilada inay khilaafkooda ku dhamaystaan habka suluxa iyo wadahadalka, Suldaanka oo maanta u waramaayay Shabakadda Somalilandtoday  isagoo ku sugan Magaaladda Gabilay wuxuu yidhi. “Golihii Wakiilada ee Qaranka uga masuulka aha sharci dejinta inay iyagii isku mashquulan oo kala bixiwaayaan oo Saxaafadda eedo isu mariyaan, ummadiina ay habeen kasta daawanayso aad iyo aad ayaanu uga xunahay.  Waxaanu u dulqaadan karno maha, waxaan u soo jeedinaysa Golaha Wakiilada ee Shacabka Somaliland soo doorteen in aanay ahayn wixii losoo doortay inay maalin walba is qabsadaan oo muran joogto ah isku hayaan. “

resize_image

Suldaank Ibraahim Jaamac Samatar oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi. “Umaanu soo dooran in ay siyaasaddo iyo xisbiyo kala raacaan, waxaan u sheegayna hadaanu dadweynihii nahay in aanu  u soo dooranay inay qaranka hoggaamiyaan, inay shuruucda dalka iyo distoorka dalka inay ilaaliyaan, aad iyo aad ayaanu uga xunahay is qabqabsigooda, waxaan u soo jeedinayna hadaanu nahay Golihii dhaqanka murankan ay maalin walba isku hayaan in aanu ahayn wax la qaadan karo.”

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.

contact@somalilandtoday.com