Golaha Guurtida Oo Joojiyey Ansixinta Xeerka Diwaangelinta Socota

(SLT-Hargeysa) – Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta hakiyey ansixinta xeerka diwaangelinta Madaniga ah oo ka gudbay Golaha wakiilada, waxayna Guurtidu sheegtay inay kala duwan yihiin xeerka la ansixiyey iyo ka loo soo gudbiyey.

Sidaana waxa sheegay Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Guurtida, Md. Siciid Jaaac Cali oo maanta saxaafadda la hadlay.

Siciid Jaamac Cali

Siciid Jaamac Cali, oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Annaga xildhibaanno ka mid ah Golaha Guurtida ayaa noo keenay dhukumanti ay ku dhaliilayaan xeerka diwangelinta Madaniga ah, jiraanna farqi u dhexeeya xeerka uu Golaha Wakiiladu ansixiyey iyo ka loo gudbiyey Golaha Guurtida, sidaa daraadeed ayaanu u hakinay, si aanu iskula akhrino oo aanu iskula meel dhigno labada xeer ee la sheegayo, kalana tashanno shir-guddoonka Golaha wakiilada”