Golaha Deegaanka Hargeysa; Xaabo Ay Bulshadu Qiiq Uun Ka Dhaxashay!-W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde

Magaalo waliba waxa ay leedahay gole deegaan oo lagu soo doorto doorasho cod-bixin ah oo ay dadku codkooda siiyaan kolba cidda ay u gartaan in ay wax ka qaban karto bilicda iyo nadaafadda degmadooda.

maxamed-fuaad-xasan-dhago-cadde

Golaha deegaanka ayaa ay shaqooyinkiisa ka mid tahay ka shaqeynta arrimaha nadaafadda, bilicda magaalada, dhisida waddooyinka iyo waxyaabo kale oo aan intaa ka durugsanayn, iyada oo xubnaha mudadaa loo soo doorto maamulka golaha deegaanku masuul uga noqdaan bulshada inay uga shaqeeyaan arrimahaas iyo waxyaabo kale oo badanba.

Hadaba tuke baal cadi tilmaamane golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa ayaa noqday fadhiid aan sidii dadku ka rajaynayeen wax u qaban, goluhu waxa uu noqday mid ay xildhibaanada golaha badankoodu qaad iyo lacag mooyee ku fikirinba sidii ay u gudan lahaayeen waajibkii loo igmaday. Kama soo xaadiraan golaha intooda hawl maalmeed ku xidhanyahay, dadka sugaya masuuliyiinta ay hawshoodu khusayso ayaa iyaguna maalin walba kusoo noq-noqda xafiisyadooda, waxa kale oo golaha laga rajaynayay in ay waddooyinka wax ka qabtaan isla markaasna ay hirgaliyaan qorshayaal lagu horumarinayo bilicda caasimada, taas oo aad mooddo in ay dawladdii dhexe uga firfircoonaatay qurxinta jidadka hareerihiisa iyo shaqooyin badan oo Golaha deegaanku lahaaba. Hadba inta qashinku kuu jiro ayaa uu cudurkuna kuu jiraaye, xashiishkii ayaa isna xoog looga dareemayaa isaga oo tuulan goobihii laga qaadi jiray iyo waddooyinka xaafadaha dhexdooda oo aan waxba ka duwanayn wakhtigan goobo qashin qub. Waa hubaal oo maaha wax aan maskaxdayda ka male’awaalayee waa mid u muuqata inta damiirkoodu qoyanyahay ee ka damqanaysa dhibaatada ka dhalan karta goobaha qashin qubka ah khaasatan xilli roobaadyaada oo aad uga duwan wakhtiyada kale.

Goleyaasha deegaanka gaar ahaan golaha caasimadda Hargeysa waxa astaan u ahaan jirtay in ay la yimaadaan wax cusub oo wax ka taraya bilicda caasimadda sidii aynu kusoo aragnay golayaashii deegaanka ee kala dambeeyay, hadii uu ahaan lahaa golihii deegaanka ee uu gudoomiyaha u ahaa Mudane Cawl Cilmi Cabdale ayaa waxa lagu xusuustaa ishaarooyinkii uu markii u horeysay ka hir galiyay caasimadda iyo astaamo dhaxal gal noqday oo uu ka dhisay meelo ka mid ah caasimadda sida diyaaradda saaran khayriyada iyo gacanta sidda maabka ama khariiradda Somaliland ee ku taala xaafada kaalinta sideedaad ee degmada maxamuud haybe oo ah meel istaraatiji ah oo ku habboon astaantaa maaddaama oo ay ku beegan tahay wadadii ka imanaysay madaarka caasimadda, sidoo kale waxa uu golahaas uu hormuudka ka ahaa Cawl qurxiyay jidka wadnaha ee magaaladda Hargeysa isagoo dusha ka saaray astaamo qurux badan iskoysyada maddaxtooyada iyo wadada goolada suuqa badhtankiisa ee hormarta shirkadda Telesom.

Haddii aynu yar milicsano golihii ugu mudada badnaa tan iyo intii Somaliland xornimadeeda lasoo noqotay ahaana golihii ugu dambeeyay ee ay xilka kala wareegeen golahan imika jiraa, oo uu guddoomiye u ahaa Eng: Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa iyagana lagu xusuustaa waxqabad haddii ay noqoto dhisida wadooyinka isku xidha xaafadaha Hargeysa, biriishyada iyo buundooyinka laga hirgaliyay meelo muhiim ah oo ka tirsan caasimadda, ururinta qashinka oo si habsami ah gaadhi loosoo dhexmarin jiray xaafadaha dhexdooda todobaadkii maalin cayiman, iyo xalinta khilaafaadka dhulalka oo aad loogu bogaadiyo golahaasi, waxa kale oo ay dhiseen goobo dan guud ah oo ay ugu mudnaayeen sariibaddo laga hirgaliyay guud ahaanba xaafadaha caasimadda iyadoo dhanka bilicdana lagu xusuusto taalada Shimbirta cad ee ku samaysan isgoyska Total iyo dhismaha kaaraha ee ku yaala huteel Baar Hargeysa hortiisa iyo waxyaabo badan oo kale oo qayb ka ah bilicda caasimadda.

Bal hadda aynu u nimaadno golaha deegaanka caasimadda oo aan cusayb loogu cudur daari karin ayaa ah qaar aan iyagu wali wax ay qabteen u muuqan dadweynaha tan iyo intii lasoo doortay, waa gole aan u habaysnayn hab maamul, waa gole aan wax muuqda wali la iman, waa gole aan lagu badhaadhin, waa gole aan ku suntanayn waxqabad, waa gole xildhibaanadiisu kala badal gaadhi iyo u kala dheerayn tamashle dibadeed ka bixi la’yihiin, waa gole ay isha ku hayaan dadkii soo doortay, waa gole ka takooran bulshada oo aad mooddo in aanay iyaga u shaqaynayn, waa gole mixnad iyo xafiiltan ku foogan, waa gole tusaale u noqon doona bulshada doorashooyinka dambe, waa gole aan ku tilmaami karno xaabo loo baahnaa inay olosho oo la manaafacaadsado, oo isku bedeshay xaabo la shiday kadibna markiiba iyadoon ololin qiiqday, waa gole u baahan gurmad, waa gole ay habboonaan lahayd in aan lala sugin muddo xileed, waa gole u baahan isbedel dhakhso ah. Ku darsoo weliba balan qaad afka ah oo aan fuliniba ka dambeyn ayaa ay inta badan ku caan baxeen, tusaale waxa kuugu filan masuul ama xildhibaan kasta oo ka tirsan Golaha deegaanka ee caasimaddu marka uu meel ka hadlayo waxa hubaal ah in uu balan-qaad ka sameeyo goobtaas kadibna aanad arkaynba wixii la balanqaaday oo aan dib wax looga qaban. Ceeb iyo fadeexadna waxa ugu filan in ay burbursanaato oo ay raf bilaa laami ah noqoto wadadii kaliya ee isku xidhaysay madaarka ama gegida diyaaradaha ee caasimadda ilaa biriishka iyo suuqa hoose ee Hargeysa oo marka uu wafti inoo yimaado soo maro, kadibna iyaga oo aan aragba qaybaha kale ee magaaladda waftigaasi ka qaata sawir ah inay jidadka kale ee magaaladuna sidaas wada yihiin. Hadaba tollow, maxaa kartidii iyo waxqabadkii ka qaaday xildhibaanada fadhiidka noqday ee caasimadda? Ma garanayo ma aqoon la’aan dhinaca bilicda iyo maamulka magaalooyinka ah baa jirta? Ma hagrasho dhinaca damiirka iyo kartida ah baa jirta? Ma waayo-aragnimo la’aan baa jirta oo aynu u nisbaynaa tollow? Mise meesha waxqabad baanay u imane wax soo cunnaa lagu soo dardaaray? Miyaanay ajar Illaahay, cod dambe, sharaf iyo magac midna mustaqbalka doonnayn? Cajab!

Waxa ayaan darro weyn ahayd mar uu maayirku maalmo dhawayd oo uu dalka dibadiisa kasoo noqday waxqabadka ugu weyn ee uu sido ka dhigay in ay maayaro ku xigeeno dalalkoodii soo dhisay iman doonaan halkan, miyay aqoon un kala yimaadaan tollow nimankaa magaalooyinkoodii qurxiyay mise markay inoo yimaadaan ayay maalmo, bilo, iyo sannado inala joogi doonaan oo ay maayaro inoo noqon doonaan inaga! Bal adba!

Waar kuwa dhulkan aad kusii socotaan dhisay ee ka sameeyay wadooyinka, biriishyada warwareegsan ee is dulmaraya, laamiyada soconaya, hanaanka qashin qubka iyo siyaabo kala duwan u adeegsiga qashinka iyo dhirta cagaarka ah ee meel walba ku muunadaysan waa inamo ama hablo sagaal bilood ku dhashey, idinkama maskax badna hadaad u heysataan maan sheegine, idinkama aqoon badnaan filayaa, haddii ay wax idin dheeryihiina waad gaadhi kartaan, way u dhaarteen, dhexday u xidheen, way aaminsan yihiin, waxa ku jira dhiig wadanninimo iyo waxqabade la kaalaya idinkuba waad awoodaane.

La kala tag, goleba gole dhaaf, waxqabadna iyo horumarna isma qariyo oo sida dayaxa ayaa uu u muuqdaa, dalkeenna Soomaalilaan marka aad eegto goleyaasha deegaanka ee laga soo doortay gobol ama degmo kasta waxa uu heegan ugu jiraa  ha yaraato ama ha badnaatee in ay wax uun u qabtaan dadkii soo doortay, waan amaannayaa golaha deegaanka ee Berbera iyo ka Boorama, waan bogaadinayaa golayaasha deegaanka Ceerigaabo iyo Burco, waan dhiirigelinayaa golaha deegaanka Laascaanood, waan taageerayaa goleyaasha deegaanka degmooyinka kale, ugu danbeyna waan u ducaynayaa golaha deegaanka Hargeysa.

Wabilaahi tawfiiq.

W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde

E-mail: Xiinfiniin_!0@hotmail.com

Tell: 063-4470220