“Go’aanka Uu Ka Qaatay Wasiir Maxamuud Xaashi Shirkii Jeegaanta Ee Burco Waan Boogaadinayaa.” Guddoomiyaha Xisbiga UCID

(SLT-Hargaysa) Guddoomiyaha Xisbiga UCID ahna murashaxa Xisbigaas Faysal Cali Waraabe ayaa Wasiirka Madaxtooyada ku bogaadiyay dareenkiisi wanaagsana ee uu ku sheegay in aanu Qaranka Somaliland jeegaan iyo labareer oo midooba ku dhismayn. Waxaanu yidhi isagoo arrintaas ka hadlaayay .

“Inkastoo aan ka shakisanaa oo aan islahaa Wasiirku waa ragga hoosta kawada Jeegaanta haddana waxaan raacayaa afkiisa’e iyo hadalkii uu yidhi .
Wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi waan ku hanbalyaynayaa mawqifkuu ka qaatay shirkii labada reer ee Burco anna faysal ahaan waan laqabaa dareenkaas wasiirka.

Wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maalintii Kamiistii warbaahinta usheegay war Siyaasad ahaan aad uxiiso geliyay Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo udhignaa sidatan:
“Qaran kuma dhismo qoys ama laba qoys oo xulafo ama jeegaan noqda”

Somalilandtoday/Hargaysa/Office