Go’aanka Maxkamadda Sare Ka Soo Saartay Xiisadda Ka Taagan Gollaha Wakiillada Oo Sii Hurinaya Khilaafka Iyo Muranka U Dhexeeya Xildhibaanada

Hargeysa (Somalilandtoday)-go’aankii iyo qaraarkii ay maxkamadda sare ee Somaliland shalay kasoo saartay gal dacwadeedkii ay dhawaan u gudbiyeen xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo u tartamayay jagada gudoomiyaha Wakiilada iyo xildhibaanadii taabacsanaa ayaa laga yaabaa inay sii huriso khilaafka iyo murranka ka taagan gollaha Wakiillada Somaliland.


Waxaana xildhibaan Talyanle uu gal-dacwadeedka maxkamadda sare u gudbiyay kadib markii ay soo if baxeen warar sheegaya in is daba marin iyo musuq-masuq dhanka codka ah ay ka dhacday golaha wakiilada wakhtigii lagu gudo jiray codayntii gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland,waxaana sida la sheegay markii ay shir gudoonka kala hadleen arrinkan xildhibaanadan ka cabanaya in la musuq-maasuqay codkooda uu gudoomiye ku xigeenka Labaad oo ahaa shirgudoonkii daadihinayay golaha uu ku wargeliyey in ay dacwad u gudbistaan maxkamadda sare ee Somaliland si dib u eegis loogu sameeyo waxa ay ka cabanayaan oo salka ku hayay musuq-maasuq iyo is daba marin.
Intaasi kadib xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle ayaa Isniintii ku xigtay maalinkii la codeeyey ee Axada waxa uu maxkamadda sare u gudbiyay dacwadd ah in maxkamadda sare ay ka garnaqdo khilafkooda isla markaana dib u eegis ku samayso waxa uu ka cabanayo oo ah in laga musuq-maasuqay codkii uu helay oo ahaa 39 mudane lana siiyay 38 mudane,waxaana maxkamada sare gal-dacwadeedkaasi ka qabatay xildhibaan Talyanle taas oo ay sheegtay in ay darsayso in ay ka garnaqi karto iyo in kale.
Haddaba muddo shan maalmood ah kadib,maxkamadda sare waxay go’aan iyo qaraar ka kooban saddex qodob ay kasoo saartay shalay khilaafka golaha Wakiilada ka taagan,iyada oo maxkamadduna dib ugu soo celisay golaha kuna wargelisay in arrinkan ay ku xalistaan golaha una raacaan xeer hoosaadka golaha.
Qodobkan ay maxkamaddu soo saartay ee salka ku haya in goluhu ay xaruntooda ku dhamaystaan waxii khilaafaad ah ee jira ayaa ah mid ku adag xildhibaanada in ay ku garnaqsadaan golaha kuna dhamaystaan arrinkooda,madaama oo labada dhinacba mid kasteba uu dhinaciisa sheeganayo inuu yahay gudoomiyihii golaha wakiilada Somaliland,waxaana laga yaabaa in go’aanka maxkamadda sare ay sii huriso khilaafka golaha Wakiilada Somaliland ka dhex taagan.
Gabagabadiina golaha Wakiilada Somaliland ayaa wali arrinkiisu kacsan yahay ,isaga oo guluhuna uu wali xidhan yahay isla markaana ay ciidamo la wareegeen, waxaana laga cabsi qabaa in goluhu ku kala qaybsamo arrinkan isla markaana labada dhinac mid kasteba uu dhinaciisa u yeesho gudoomiye hogaamiya madaama oo aan ilaa hadda xal waara laga gaadhin khilaafkan golaha ka taagan maxkamadda sare-na ay ka dhawaajisay in arrinkan aanay ka garnaqi Karin ee ay dhexdooda dhamaystaan,ilaa haddana lama garanayo halka ay saldhigan doonto khilaafkan ka taagan golaha wakiilada Somaliland.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office