GO’AANKA MABNUUCISTA QAADKA WAA GUUL QARANKA U SOO HOYATAY Qoraa:Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood

SHacabka reer Soomaaliland gudo iyo dibadba aad iyo aad ayey u soo dhowaynayaan talaabada geesinimada ah ee uu qaaday

Wasiirka Duuliska hawada iyo gaadiidka cirka Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ee uu ku mabnuucay joojinta qaadka laga joojiyey in laga dhoofiyo garomada dayuuradaha ee

Jamhuuriyadda Soomaaliland waa talaabo aad iyo aad u wanaagsan  qofkasta oo reer somaaliland ah ama wadamada kale ee islaamka iyo kuwa gaalada ahba

Wuxuu ku hayaa dhibaato bulsho,mid dhaqaale,mid dhaqan xumo,mid nolosha uu qofku ka dhacayo oo aanay masuuliyadi ka saarnayn labadiisa waalid,xaaskiisa iyo ubadkiisa

Oo Allaah(Swt) masuuliyad waajiba u ka saaray masruufintooda


download (7)


iyo xanaanayntooda,weliba Muslimiinta soomaalida aad ayuu u dafiiciyey waxaanad moodaa labada wadan ee

Qaadka ama Jaadka laga keenaa inay la deris yihiin Jamhuuriyadda Soomaaliland,Jamhuuriyada Soomaaliya,Jamhuuriyada Soomaalida Jabuuti,Soomaalida Kenya,iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya

Oo aad moodid hubka qarsoon ee ay wax ku gumaadayaan labadaas wadan ee Itoobiya Iyo Kenya ee ay wax ku dafiicin karaan inuu yahay waxyaalaha maandooriyaha ah ee allaah xarimay

Ee ay ka midka yihiin Qaadka,Sigaarka,Qamriga, Xashiishada iyo Aydhiska oo aad moodid in Shanta Soomaaliya lagu dabargoynayo haddii aynu tusaale ama exampule Soo qaadano lacagta

Qaadka ee itoobiya gasha maalintii dhinaca soomaaliland waa $ 300,000 Usd sadex boqol oo kun oo dollar,bishiina waa $ 9,000,000 Usd sagaal milyan oo dollar,sanadkiina waxaa gala

$ 108,000000 Usd boqol iyo sideed milyan oo dollar ,lacagta sigaarka ka soo xaroota maalintii $ 75,000 Usd  shan iyo todobaatab dollar ,bishiina waa $ 2250,000 Usd laba milyan laba boqol iyo konton kun

Oo dollar,sanadkiina waa $ 27,000,000 Usd todoba iyo labaatan milyan oo dollar, qofka muslimka ahi haddii uu in uun damiir leeyahay haddii uu xisaabiyo qaadka iyo sigaarka uu maalintii,bishii,sanadkii

Uu kharash gareeyo waxaan u malaynayaa inuu sadex mid uun  yeeli lahaa in wadamada u soo waaridaya inuu colaad aan la ilaawi karin uu u qaado,inuu allaah(Swt) u toobadkeeno iyo inuu is dilo waxba

Ugama dhaxayso,Wadamada Caalamka ku yaala iyo kuwa qaadka laga keenaaba jiilkooda ama dhalinyaradooda iyo qofkii shaqo dawladeed iyo mid shicibba haya way ka ilaaliyaan si aanay u dabargo’in

Waxaan Xukuumadda uu M/waynaha ka yahay Mudane:Axmed Maxamed Maxamuud u soo jeedinayaa waa in wasaaradaha dawladda,ciidamada,ardayda dugsiyada , jaamacadaha iyo shacabwaynahaba

Wacyi gelin loo sameeyo muddo lix bilood ah,lix bilood ka bacdina talaabo laga qaado qofka sita oo ganaax iyo xadhig la iskugu daro,ciidamada iyo shaqaalaha dawladdana mushaharkooda afar beelood

Laba meelood lagu ganaaxo waxaa la gaadhayaa in qofkasta oo wakhtigiisa ku luminayey qaad,sigaar,qamri iyo zino uu helayo wakhti dahabiya oo uu diintiisa iyo cilmiga maadiga ahba wax ku baran karo

Xukuumaddu waa inay xidhiidh toosa oo saaxiibtinimo la yeelato oo ay dhaqaale kaga dalbanayso wadamada qaadka ka mabnuuca ah wadamada islaamka iyo kuwa gaalada ahba waana inay xukuumaddu dhaqaale aad u wayn oo lagu

Joojinayo qaadka,sigaarka,qamriga iyo xashiishada si lacag xalaala loogu bedelo ganacsatada waawayn ee qaadka iyo sigaarka keena oo bulshadooda ay waxyaalo daruuriya oo xalaala ay keenaan sida

Raashin,Bagaash,Shidaal,Iyo Xoolo dhoofin haddii ay xawaaladaha iyo isgaadhsiinta wadankeena ka jirana ay la
midoobayaan way u furan tahay.

Dadka danyarta ah ee masaariifta kala soo bixi jirayna waa in la diiwaangeliyo lana siiyo kaadh magacooda oo sadexan iyo

Sawirkoodu ku yaalo si mustaqbalka loogu sameeyo shaqo abuur ay ka ganacsadaan sariibadaha,bacadlayaasha,dukaamo yar yar oo ay noloshooda ku deberaan.

Xukuumaddu haddii ay talaabadaas qaado waxaa la helayaa Shacabwayne,Ciidan iyo shaqaale dawladeed oo nadiifa oo Wakhti Cusub Ama Taariikh Cusub la koowsaday.

ahmed adem mohamoud <ahmedsakatouri@hotmail.com