Gerrard Oo Qoomameeyey Inuu Diidey Dallab Ay Real Madrid Ku Doonaysay

(SLT-London)Laacibka kooxda Liverpool ee Steven Gerrard ayaa bishimaha qaniinay oo qoomameeyey diidmadii uu ku diidey dalab uu ugu wareegi lahaa kooxda Real Madrid, isagoo xidiga naadiga Reds uu fashiliyey inuu ahaa dookha koowaad ee kooxda haysata horyaalka Yurub ee Madrid isaguna uu ahaa qofka dalabkaas meesha ka saaray.

Xidigan 34 jirka ah ayaa ku dhawaaday inuu ku biiro Chelsea sanadkii 2005, iyadoo uu tababare Jose Mourinho u soo bandhigay doonista kooxdiisa , laakiin Liver oo markaas ku guulaystay Champions League ayaa u aragtay inaanay suurto gal ahayn inay fasaxdo halyeyga guushaas horseedka ka ahaa.

GERRARD

Gerrard wuxuu cadeeyey in laba sanno ka hor in Tababare Mourinho uu markale damcay isaga markii uu macalinka u ahaa kooxda Santiago Bernabeu, laakiin wuxuu dhinaca kale cadeeyey inay kaga qoomamo badnaan lahayd go’aankaasi , kan ka tagista garoonka Anfield.

“Intii aan ciyaaraha ku soo jiray tiraba laba jeer ayay Real Madrid dalab iisoo dirtay ay igu doonayso… waa arin laga yaabo inay mudan tahay in la qoomameeyo,” ayuu saxaafada ku yidhi ka hor ciyaarta kooxdiisu ku qaabilayso naadiga Los Blancos garoonkeeda Anfield Habeennimada Khamiistu soo gallayso.

“Si kastabase ha ahaatee, waxa ka sii qoomamo badnaan lahayd haddii aan ka taggi lahaa naadiga aan aadka u jeclahay ee Liverpool.”

Gerrard wuxuu qiray inuu jiro kala fogaansho u dhexeeya kooxdiisa iyo naadiga ay Martigalin doonaan ee Madrid xili ciyaareedkan – iyadoo kooxda Spanishka ahi ay 30 gool dhalisay sideed kulan oo ay ciyaartay horyaalkeeda La Ligaha, halka Liverpool ay jihadu ka lunsan tahay ilaa hadda.

Isagoo arimahaas cabirayana wuxuu yidhi: “Ma hubo in Real ay halkan iman doonto iyadoo qabta cabsi, laakiin waxaan rajaynayaa inaanu dardari doono oo amakaag ku ridi doono dadka.

“Waa inaanu nafta dul dhignaa si aanu natiijo fiican uga helno ciyaartan, qadarin weyn baanu u haynaa iyaga, laakiin waxay ku xidhnaan doontaa qaab ciyaareedka aanu soo bandhigno ee kala hortagno, waanan naqaanaa sida loo guulaysto.”

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.