Geel Ku Durduriyey Gudaha Dalka Sucuudiga Oo Sababay Dhimashada Sagaal Qof Oo Shicib Ah Iyo Sababta Keentay !

(SLT-Riydh)-Dalka Sucuudiga gaar ahaan jidka magaciisa loo yaqaano jidka dhimashada ee ku yaalla magaalada Al-axsa ayaa waxa ka dhacday arrin aad u naxdin badan, kadib markii ay raxan geel ahi ay dusha ka fuuleen baabuur ay wateen dad shacab ahi, kuwaasi oo u safrayay debadda magaaladaasi Casiir waxaana halkaasi ku naf waayay 9 ruux.

Dhinaca kale dadka ku dhaqan magaaladaasi ayaa waxa duqa magaaladooda ka codsadeen cadaynta iyo wax ka qabashada  sababta keentay arrintan aadka u murrugada badan oo ay ku sheegeen inay tahay jidka ka baxa magaaladaasi oo  aan dayac tirnayn isla markaasina ay uu geelaasi waayay meel waddada ka baxsan oo uu maro, maadaama oo ay waddadani tahay ta kaliya ee ay waddaagaan Dadka iyo Geelu.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office