Garsoorayaal Ka Tirsan Maxkamadda Hargeysa Oo La Arkay Iyagoo Olole Ugu Jira Xisbiga KULMIYE iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Digniin U Diray

Hargeysa (Somalilandtoday)-Garsoorayaal ka tirsan maxkamadaha Somaliland ayaa la helay sawirro ay taageero ugu muujinayaan xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, taasoo sharciga garsoorka iyo cadaaladda mamnuuc ka ah.

Garoosayaashan ayaa waxaa ka mid ah Garsoore Idiris oo ah garsoorihii dhawaan xukunka ku riday gudoomiyihii garabka dhalinyarada xisbiga Waddani Maxamed Sadiiq iyo xoghayihii ciyaaraha ee xisbigaasi Md Yoonis

Sidoo kale Sawirdan ay  Warbaahintu heshay waxaa ka mid ah Maxamed Carwo ( Guray ) oo ahaa kaaliye maxkamada gobalka Marooodi-jeex Ah isla markaana iminka la sheegay in uu garsoore yahay .

Geesta kale guddoomiyaha maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali ayaa digniin u diray dhamaan waaxda garsoorka Somaliland waxaana uu uga digay inay ku dhex milmaan siyaasadda iyo axsaabta dalka, isagoo ku adkeeyey inay dhex-dhexaadnimo muujiyaan maadaama ay hayaan shaqo xasaasi ah.

“Waxaa lala socodsiinayaa dhammaan guddoomiyayaasha, garsoorayaasha iyo hawl-wadeenada garsoorka dalka JSL inay mamnuuc ka tahay inay ku milmaan siyaasadda xisbiyada qaranka. Sidaas darteed waxaa la idinka digayaa inaad dhex gashaan siyaasadda xisbiyada qaranka ciddii dhex gashana in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono” sidaas waxa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay guddoomiyaha maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday