GAROWE: Madaxweyne Farmaajo Oo Booqasho Ku Imanaaya Puntland, Xili Wasiir Ka Tirsan Xukuumadiisu Socdaalo Ku Maray Gobolka Sanaag .

(SLT-Garowe)Magaalada Garowe ee xarunta maamulka goboleedka Soomaaliya ee Puntland waxaa laga dareemayaa qaban qabaabada soo dhaweynta madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdilalahi  “Farmaajo” oo ku wajahan magaaladaasi.

Sidoo kale,waxaa maanta magaalada Muqdisho ka baxay Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya,iyo Xildhibaanno hordhac u ah booqashada madaxweyne Farmaajo uu ku tagayo Puntland, kuwaasoo gaaray magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Dalkaasi Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socdo u ambabaxaan magaalada Garowe, iyo degaano kale oo ka tirsan  Puntland.

Mudane Maxamed Cabdillaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa intuu ku sugan yahay magaalada Garowe wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda,Waxgaradka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Puntland, kuwaasi oo uu kala hadli doono arrimo  badan oo ku saabsan horumarka Bulshada iyo sidii wadajir looga wada shaqeyn lahaa.

Booqashada madaxweynaha Dalkaasi Soomaaliya ku imanaayo Puntland ayaa ku soo beegantay xilli Wasiir ka tirsan Xukuumadiisu socdaalo ku galabixiyay Gobolka Sanaag taas oo aanay Madaxda Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aanu ka hadlin.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office