Garaad Dareemeedka (Emotional Intelligence) Xamse Tudhaale

Markii u horraysay waxa uu eraygani ku soo baxay 1964, maqaal uu qoray Michael Beldoch, waxa aanu toos u soo shaac baxay 1995 markii uu Buug ka qoray Daniel Goleman oo ahaa qoraa iyo saynis yahan, kagana hadlay garaad dareemeedka iyo waliba aragtiyo uu ku soo darsaday.

Garaad dareemeedku waa awoodda fikir ee uu qofku uga warqabo una maareeyo dareemayaashiisa iyo waliba kuwa dadyowga kale.
Garaad dareemeedku waxa uu qayb wayn ka qaataa, sida uu qofku u fikirayo una turjumanayo dhacdooyinka ka hareerihiisa iyo waliba sida ay ula dhaqmayaan dadka ku xeerani, dadyow badan ayay carqalad ku noqotaa in ay fahmaan marka ay cadhaysan yihiin sidii ay isku maarayn lahaayeen ama marka ay murugaysan yihiin sidii ay u xallin lahaayeen murugadooda; sidoo kale waxa dhacda in dadyowga qaarkood marka ay faraxsan yihiin ay qaadaan balamo ay hadhoow ogaadaan in aanay ka bixi karin.

Waxa uu garaad dareemeedku door laxaad leh ka ciyaaraa horumarka uu qofku samaynayo iyo sida uu ula dhaqmayo dadyowga ku xeeran, taas oo qayb ka qaadata deganaanshiyaha shaqsiga.

Garaad dareemeedku qofka waxa uu ka caawiyaa:

Ka warqabka Nafeed: in aynu horumarino aqoonta ka warqabkeena nafeed iyo in aynu awood u yeelano in aynu aqoonsano oo aynu fahano nafaheena, habdhaqankeena iyo waliba dareemayaasheena.

Xakamaynta Nafeed: waa awooddeena fikireed ee aynuku xakamayn karno dareemayaasheena iyo waliba jawaab celinteena/falcelinteena.

Dhiirrigelinta Nafteena: ogaanshiyaha waxyaabaha iina dhiirrigeliya, kuwaas oo inagu khasba in aynu ficil ku dhaqaaqno si aynu u gaadhno yoolkeena.

Dareen celin: awoodda dad la dhaqan ee aynu ku fahano kuna dareeno dadyowga kale, aynu ku fahano dareenkooda ugu danbayna aynu ula dhaqano si wanaagsan.

Xidhiidhka: in aynu horumarino awooddeena aynu ku dhisayno xidhiidho hogaamineed, Maarayn, Qoyseed, Shaqsiyeed, iyo waliba awoodda fikireed ee aynu ku xallinayno dhibaatooyinka ulana shaqayno dadyowga kale.

Waxa jira dadyow badan oo caqligoodu aad u sarreeyo laakiin garaad dareemeedkoodu aad u hooseeyo, kuwaas oo aan nolosha ka gaadhin guul wax ku ool ah, sababta oo ah waxa ka maqan xirfaddan.

In ay awooddaada caqliyeed sarreyso iyo in ay awooddaada garaad dareemeed sarrayso waxa muhiim ah in ay awooddada garaad dareemeed sarrayso, sababta oo ah culimo badani waxa ay isku waafaqeen in ay muhiim tahay xirfaddan garaad dareemeedku kana wanaagsan tahay caqli badnaanta.

Dadyowga qaar way ku dhashaan xirfaddan, halka dadyow kalena ay ku kobciyaan ama ay ku bartaan inta ay ku guda jiraan shaqooyinka kala duwan, ama ay wax kaga bartaan waayahooda.

Tusaale ahaan, waxa aad arkaysaa qof aad u dabeecad xumaa oo muddo sannado ah ka dib la soo baxay dabeecad wanaagsan iyo dad la dhaqan heer sarreeya, marka aad waydiiso sababtana waxa uu kuugu jawaabayaa ” Nolosha ayaan wax ka bartay”.

Haddaba akhriste waxa aynu halkan kaga hadli doonaa 5 qodob oo inaga caawinaya in aynu dhisno garaad dareemeedkeena.

1: Ha ku degdegin ka falcelinta waxyaabaha ku cadho geliya: Isku day in aad waqti siiso naftaada ay kaga fikirto; kuna falanqayso, wax kasta oo ku cadho galiya ama aanad deganaan ku dareemin, taasi waxa ay kuu sahlaysaa in aad hesho jawaab aad kaga falceliso oo aan waxyeelo cidna u gaysan adigana kuu horseeda guul, oo aanad ka qoomamayn.

2: Go’aan qaadashadadaada sababee: Mararka qaarkood waxa aynu qaadana go’aano aynu ka qoomamayno, kuwaas oo aynaan siinin waqti aynu kaga fikirno kuna falanqayno. in aad sababayso go’aan qaadashadaada waxa ay kuu horseedaysaa in aad ogaato xaqiiqada dhabta ah ee aad go’aanka u qaadanayso, dhacdadu yaanay go’aankaaga saamayn wayn ku yeelan, balse si degan uga fikir sida ugu quruxda badan uguna wanaagsan ee aad arrinkaas u xallinayso.

3: Baro Naftaada: In aad barato naftaadu mararka qaarkood waxa ay kugu qaadanaysaa muddo badan, waxa kale oo ay kuu sahlaysaa barashada naftaadu in aad barato shaqsiyadaada iyo waliba nooca ay tahay. Haddii aad barato shaqsiyadaaduna waxa ay ku siinaysaa awood aad ku xakamayso dareemayaashaada.

4: caadifadaadu yay ka awood badan caqligaaga: Caadifadu waa dareen ka imaada qalbiga, kaas oo aan si qotodheer looga fikirin maskaxdana la siinin waqti ay ku shaandhayso, kuna kala ogaato xaqiiqada. Mar kasta oo aad dareento dareen caadifadeed isku day in aad caqliga soo mariso oo aanad markiiba qaadan go’aan.

5: Ka fikir saamaynta uu yeelan karo ficilkaaga aad ku dhaqaaqaysaa: Haddii aad ka fikirto oo aad waqti siiso ay maskaxdu ku turjunto dareenkaaga waxa aad helaysaa xaqiiqada dhabta ah iyo waliba natiijada ka danbayn karta ee uu dhali karo ficilkaagu.

Xamse Tudhaale, Aasaasaha Akaademiga Tudhaale.

Mobile: 0634410163

Email: xamsetudhaale@gmail.com