Gabay dheega aan ku bedeley maansadii XOG-SHEEG ee Abwaan Ubaxle

Waxaan halkan idiinkusoo gudbinayaa tuducyo kamida maansadii abwaan Ubaxle  ee xog sheeg oo aan si kale u bedelay gaybay dheegna  ku sameeyey haddaba waatan sidii aan  u bedeley  ee akhris wacan.

 

Hadday aamini xadraysay

Hadday faaliye ku xiiqday

Hadday cirro xeeladaysay

Wasiirro hadday xogsiisay

Hadday xeer soo maleegtay

Hadday xildhibaano shirisay

Xidhiidhkana qaar u goysay

Hadday xisbiyada midaysay

Hadday guurtida la xaashay

Xil waara hadday  ka doontay

Hadday xadhig sii maleegtay

Hadday xirsi soo kaxaysay

Hadduu xaajiga kabeeyey

 

By: Abwaan Axmed Saleebaan( Axmedyare)