Gabadh Ogaatay In Ninkeedu Si Qarsoodi Ah Uu Ku Guursaday Gabadh Kale Isaga Oo Kharash Gareeyay Lacag Aad U farabadan.

(SLT-Hargaysa)-Yvonne iyo Maurice waxay ahaayeen lamaane mudo soo wada noolaa , si la mid ah lamaanayaasha kale waxay soo wada qaateen wakhti farxadeed iyo kuwo aaney farxad badan dareemin.

Waxay Gabadhani seygeeda ay ka akhriday been abuur laga sameeyay oo lagu baahiyay facebook-ga, laakiin waxay isku dayday in ay kalsooni ku sii qabto seygeeda iyada oo meesha ka saartay suuragalnimada in seygeedu khiyaameyn karo.

Laakiin shakigani wuxuu ku jiraba, ugu danbeyntii waxay ogaatay in seygeeda oo ay u lahayd 2 caruur ah uu guursaday gabadh kale isaga oo arooskiisa ku dhigtay magaalo xeebeed ku taala dalka Cumaan.

unnamed

Waxaa xaaska ninkani ay ogaatay 18 bilood ka dib in seygeedu uu qabsaday aroos lacagta ku kacday lagu qiyaasay £45,000 , Mrs Gibney oo iyadu ah kalkaaliso caafimaad waxay si weyn uga cadhootay talaabada uu seygeedu ku dhaqaaqay ee uu ku khiyaameeyay isaga oo been u sheegay hooyada isaga dhashay iyo sidoo kale walaashii waxaana uu dhamaantood ku qanciyay in ay gabadhiisii hore oo mrs Gibney ahayd ay kala tageen.

Maalinimadii shalay ayay Mrs Gibney ka sheekeysay dareenkeeda iyo xanuunka uu ku reebay falka uu ku kacay seygeedii hore oo isagu sanadkasta qaata mushahar canshuur ka saafi ah oo gaadhaya £85,000, waxa uu qirtay in uu yahay godadle.

Waxaa lagu xukumay xabsi lix bilood ah, isaga oo shaqada laga joojiyay mudo 2 sano ah.

 “Waxaan wada nooleyn 17 sano” ayay tidhi. “ Waxaan kalsooni ku qabay in uu ilaalin doono guurkeena ,waxa uu agteyda ku lahaa qiimo,aaminaad ,jacayl iyo sidoo kale tixgalin aan u hayay”.

“aad ayaan u jeclaa ,waxaan aaminsanaa in uu isaguna sidoo kale I jecelyahay. Run ahaantii ma garanayo ereyga ku haboon in aan adeegsado si aan ugu muujiyo dareenkeyga iyo xanuunka aan dareemyo” sidaasi waxaa tidhi Mrs Gibney oo si weyn uga xumaatay arintan uu ku kacay seygeedii hore.

Maxkamad ayaa dhegeystay kiiska ay qabtay Mrs Gibney , iyada oo sheegtay in ay ogaatay arooskan sirta ah ee uu dhigtay seygeedu, waxay intaasi raacisay in ay si weyn ula yaabtay markii ay aragtay seygeeda oo xiidhan labiskii arooska oo la taagan gabadhii uu dhistay isaga oo wakhtigaasi dhunkanayay.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday