Gabadh Markii Ay Ku Guuldaraysatay Xidhiidho Jacayl Oo Kala Duwan Iskeed U Dhigatay Xaflada Aroos.

(SLT_London)-In badan oo ka mid ah dumarka ayaa doonaya in ay guursadaan laakiin dhibaatada ugu weyn ee ka hortimaada ayaa ah iyaga oo aan helin ragii ay u malaynayeen in ay mudnaayeen in ay isguursadaan.

Gabadh 31 jir ah oo hore uga shaqeyn jirtay filimada oo ku nooleyd magaalada Londonayaa weyday qof ay isleedahay wuu u qalmaa in aad la wadaagto xidhiidh jacayl oo ugu danbeynta ay isguursadan , waxaana ay go’aansatay in ay dhigato xaflad aroos ah oo iyada u gaar ah.

images

Grace Gelder waxa ay kelideed nooleyd mudo 6 sano ah markii ay soo qabanqaabisay  xaflad aroos oo iyada u gaar ah, waxay soo iibsatay kursi,fargal waxaana ay soo xidhatay maryaha ay xidhaan dumarka aroosanaya, waxay ku casuuntay xafladan arooska ah ee iyada u gaarka ah qaar ka mid ah asxaabteeda si ay u daawadaan balanta ay nafteeda la geleyso.

Ms Gelder waxa ay u sheegtay wargeyska The Guardian : “ Maalintan waxa ay ahayd mid aad iigu suntan,waa markii ugu horeysay ee mudo ee aan xaflad noocan ah ka qaybgalo, sidoo kale waxaan asxaabteyda la wadaagay wakhti aad u wanaagsan, anoo qofkasta siiyay fursad uu kaga hadlo fikradiisa ku aadan jacaylka iyo balanta”

“ Waxaan lahaa hal saaxiibad, taas oo ku jirtay da’aada 50meeyada waxay ii sheegtay in xafladan ahayd mid ka mid ah kuwii ugu muhiimsanaa ee nolosheeda soo mara”

Ms Gelder waxaa dhiirigeliyay heesta Bjork Isobel taas oo maansadeedu sidan u qorantahay : “ Waxaan ahayd , waxaan guursaday nafteyda”.

Waxay qirtay in markii ay qaadatay go’aankan ah in ay qabsato xaflad iyada u gaar ah uu yimi ka dib markii ay ogaatay in xidhiidh jacayl oo ay la wadaagto qof kale uu yahay mid aad u adag.

Go’aankan ay gaadhay gabadhan dhalinyarada ah ayaa waxaa soo dhaweeyay dad badan inkasta oo ay jireen dad badan oo iyagu sheegay in arrintani ay ahayd khalad in keligeed ay iska dhigato aroos u gaar ah.

Ms Gelder waxay sidoo kale ka qayb gashay xaflad ka horeysay arooskan iyadu ay dhigatay oo ay ka soo qaybgaleen 50 qof oo ay u qabatay mid ka mid asxaabteeda ,arooskan oo ka dhacay deegaan ku yaala miyaga fog ee Devon.

Waxay arkeen oo ay si weyn ula yaabeen dhaqamadeeda oo ahaa kuwo ugub ku ah taariikhda aroosyada la qabto, sidoo kale iyada oo nafteeda u balanqaadeysay waxyaabaha lamaanughu isugu balanqaadaan , waxa kale oo aad u layaab badneyd in ay iyadu isu gelisay fargalka loo geliyo gabadha arooska ah iyada oo ugu danbeyntii kor u saydhisay biraashiraxa xaga sare loo tuuro.

Waxaa sidoo kale aad u layaab badneyd in gabadhan ay wehlineysay walaasheed taas oo iyadu ahayd qofka keliya ee qoyskeeda ka tirsan ee arooskeeda ka soo qaybgalay, iyada oo arooskeeda aan sharci ahaan la aqoonsan waxay aaminsantahay in talaabadan layaabka badan ay dhiirigelin karto rag iyo dumar farabadan oo keligood noolayaal ah in ay iyaguna sidoo kale dhigtaan aroosyo u gaar ah.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday