EBOLA !!! AAFADA JAADKA, OROMADA SUNSUMAYSA IYO XUDUUDAHA OODA LA.

Ascw guud ahaan muslimiinta gaar ahaan shacabka somaliyeed,

 waxaan jeclaystay inaan halkan kasoo gudbiyo kelmad baraarujin ah oo ku saaban halista cudurka dunidu sida ba,an

uga qaylisay,runtiina ah cudur si xawliya u fidaaya taasoo la qiyaasayo in 70% boqolkiiba in ka badan u dhimanayaan

dadka uu haleelay, iyadoo ay dheertahay sida xawliga ah ee u fidayo.

Ugu horayn waxaan nahay shucuub amaba bulsho ALLAAH ku nimceeyay ISLAAM nimo,waa midka mida tiirarka iimaan-

keena inaan ku qanacno wax kasoo xaga ALLAAH inooga yimaada shar iyo khayr sidaa awgeed waan ku qancaynaa oo 

ku samraynaa xaalad kasta oon ku sugan nahay, balse Islaanimada iyo Sunagha diinteena Islaamku waxay na baraysaa

Inaan ahaano umad baraarugsan..cudurku haduu dhexdeena ka dilaaco ka carari mayno..meelan ku socono hadii laga

sheegana geli mayno xasuuso qawlkii Cumar Binu Khadab( Qadartaanu ka cararaynaa oo iyadaanu ku cararaynaa).

Xanuunkani wuu soo fidayaa,dalalka iyo dadyawga lagu arkayaana waa soo kordhanyaan deriskeenaa ka mida qaar

ciidamo inaga joogaan iyo kuwo ganacsi inaga dhexeeyaanba waa ka mid, intaa waxaa inoo dheer burburka iyo aafada-

dawlad iyo nidaam la,aaneed oo meelo badan ka jirta taasoo keeni karta qatar aan la malaysan karin sidaa awgeed-

waxaan ku talin lahaa:-

q

  1. Guud ahaan warbaahinta somalidu maamushaa nooc katsay tahay iyagoo kaashanaya culimada, dhakhaatiirta iyo guud ahaan cid kasta oo bulshada u nasteexa  waa inay wacyi geliyaan,u digaan, ka digaan xaaladaha cudurkan iyo sida bulshada somaliyeed ALLAAH mooyee aan adeeg kale u maqnayn, ( ALLAAAH inagu filan hadaan toosno) dadaalku waa sune( awrkaaga xidho ALLAAHNA talo saaro).
  2. In maamulada jiraa ay u diyaar garoobaan sidii,meeshii,cidii, iyo wax kastoo suurta gala oo lagula tacaalayo ka hortaga fidista cudurkan iyo weliba dabiibidiisa hadiiba bukaan lasoo dhaco.
  3. maamulada jira oo kaashanaya guud ahaan shacabka somaliyeed gaar ahaan culimada waxan kula talin lahaa in la is hortaago,lagu muda haraado,layska celiyo dhibka uu keensan karo geedka dilaaga ah ee Qaadku oo aan maanta qabo inuu noqon karo ka isa sii kaba raacin kara intii ka hadhay intuu hore u madhiyay soona xanbaari doona EBOLA.
  4. dawlada somaliya madaxdeedu iyagaa ka masuula askarahan kala sanka buuran leh ee wadamadoodu aafaysanyihiin hore IDIS maanta EBOLA waa in ay ku baadhaan garoomada ay kasoo degaan iyo xuduudaha ay la wareegeen kkkkk aanaa isku qoslay waa hadaa baadhi kartaanba kolay idinkaa ALLAAH wax idinka waydiin ilayn idinkaa umada u madax ahe awooda ama ha awoodina.
  5. waa in loo sii tababaraa shaqaale caafimaad oo halistan la tacaali kara iyo weliba meelo ka durugsan meelaha bulshadu degentahay oo lagu xanaaneeyo amaba lagu dabiibo bukaanka cudurkan.

waxan kusoo af meerayaa aan ALLAAH aan barino dadaala aan la nimaadno xumaantana aan joojino wanaagana aan dhexdeena ku fidino ma qabo werwerka gaaladu qabaan ee geeri nacaybka…balse yuu mawdku kuu iman adoo gacmahaaga iyo cuudkaaga isku sumeeyay oo adigu is duleeyay.

ALLAAH hayna dhawro bulshada somaliyeed ee muslimiinta ah culays horaa saaraa ALLAAH aafo cudur nooguma daro.

AAAAAAAAAMMMMMMMMMMMIIIIIIIIIIN.

Yasin/Jamal Hashi Hasan ( Gobdoon)

ducoqabe12@hotmail.com

       Norwey

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Fekrada Iyo Qaabka Fahan Ee Qoraalkan Waxaa Iska Leh Qoraaga Ku Saxeexan, Kasbashadiisa Iyo Ka Booditaankiisuna Wuxuu Gaar U Yahay Isla Qoraaga. Marnaba Kama Masuul aha Shabakadda Somalilandtoday.com Balse waxay Shabakaddu Diyaar u Tahay Is Dhaafsiga Rayiga Gacal Wadaaga Ah……..