FBI-da Maraykanka Oo Shacbiga Ka Codsatey Inay U Basaasaan Dadka Doonaaya Inay U Dhoofaan Daacish.

(SLT-Washington) – Laanta Mukhaabaraadka ee Dawladda Maraykanka ee magaceeda loo soo gaabiyo (FBI), ayaa shacbiga Maraykanka ka codsatay inay u soo sheegaan dadka doonaya inay ku biiraan dawladda Islaamiga ah ee Daacish.
Fariin qoraal ah oo Arbacadii lagu baahiyay Barta ay ku leeyihiin FBI-du Internet-ka ayaa lagu sheegay inay Muwaadiniinta maraykanku ka qayb qaataan dedaalka lagu joojinayo Dhalinyarada Jihaad doonka ah ee doonaya inay u safraan dalalka ay Kooxdani ka dagaalanto iyo wadamada kale ee ay kooxaha Xagjirka ahi ku dhuumaalaystaan.

index

Arrintan ayaa k dambeysay,markii ay dhalinyaro badan oo ka mid ahaa Muslimiinta Maraykanku ay ku biireen Daacish bilihii la soo dhaafay, taasoo aqalka cad iyo laamaha ammaanka ee Maraykanka ku noqotay Laf dhuun mari wayday.
Bishii la soo dhaafay ayaa laba qof oo u dhashay Maraykanka oo midkood suxufi ahaa qoorta looga jaray Fagaare, kaddib markii ay Kooxda ISIS ay ka qabsadeen gudaha dalka Syria. Tani waxay sii laba jibaartay jawareerkii ay Washington ka qaaday soo ifbaxa Daacish, waxaana muuqaalo video ah ka soo muuqday Dhalinyaro badan oo Amerikaan ah oo u dagaalamaya ISIS.
Waxa kale oo jirtay in wiil Soomali Maraykan ah uu noqday dhalinyarada Syria u dagaal tegay ee inay jihad ku dhinteen la soo bandhigay.
Dhacdooyinkani waxay sababeen in Laamaha ammaanka ee Maraykanku si weyn isha ugu hayaan dhaqdhaqaaqa dadka ka safraya dalka ee tegaya bariga dhexe iyo dalalka kale ee carabta iyo Turkiga.
FBI-da ayaa fartay shacbiga inay u soo sheegaan dadka ay ka shakiyaan ee u socdaalaya dalalka dibada iyo kuwa soo gelaya, “waxaanu uga baahanahay addeegayaasha bulshada maraykanka inay noo soo sheegaan shakhsiyaadka ka baxaya dalka ee u socda meelaha ay Kooxda Argagixisadu ka dagaalamaan iyo kuwa ku soo laabanaya dalka ee ka yimi goobaha dagaalka” sidaas waxa sheegay Arbacadii shalay Agaasimaha xarunt dhexe ee FBI-da Michael Steinbach.
Maraykanka ayaa hogaaminaya gulufka lagula dagaalamayo Dagaalyahanada Ciraaq iyo Syria ee Daacish, kuwaasoo haatan ku soo siqaya gudaha dalka Turkiga.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday