Faysalaw Is Nadaami Way Kaa Dhabaqsan Taha Siyaasadu (Dr Dacad Alle Yaqaan)!

Faysalaw beryahan si xun bay kaaga dhabasan tahay siyaasadu, Marka aad nin weyn tahay, oo weliba doonaaya in aad dalka madax-weyne ka noqoto, waxa jira arimo kaa mamnuuc ah, oo adiga wax ku yeelaaya, kuna seejinaaya waxa aad duubka u soo xidhatay markii sadexaad ( waa Musharaxnimadda madax-weynahe), waxad labaddii jeer oo hore ku seegtay-na weli kama aad waantoobin. caydda aad isla soo taagayso xafladaha, adiga bay kuu xun tahay, cid aad ku soo jiidanay-saana ma jirto, wax kaaga sii carara mooyaane, waaana aad ku sharaf dhacay sidaa aad u socoto. Ummaddii faraha bay dhegaa wadda geliyeen, oo labadda dhafoor bay

haystaan, haddii aad u haysato in aad sidaa wax ku helayso, naf-taadda baad been u sheegtay, xad-kana waad ka talawday, kuumana qudh-qudhsana, ee weliba waad isla sii wanaagsan tahay, ee bal waxd hesho daayoo, adigu wax ha isu dhiman. nin weyn oo diin sheeganaaya, baad tidhaahdaan waan ahay, laakiin kaama muuqato, subxaana-laahidda aad la taagan tahay shirarka, ee sidan isu dhaan, adiga baa jar iska xooraaya’e.

Hadaan hoos u daadego’e, Af caytamay nin leh buu ku yaalaa, oo isku baabi’iya sidaadda ee isu fiirso. Marka aad Cabdiraxmaan cirro ku leedahay, waa ” Budhist” miyey kuu wanaagsan tahay, adiga oo yaqaana waxa ay tahay diinta budhis-ka iyo cidda haystaa waxa ay yihiin, marka aad nin Islaama ku sheegayso ma khalad baad tahay mise sax? malaha waad maqashay oo qudha, ee ma taqaanid waxay diintaasi tahay, ma Musharaxa Cirro baad ku mesaashay in uu diintaas haysto, miyeyna kugu ceeb ahayn, ninka aad og tahay, ee cimaraddii ugu damaysay iyo xaj-kiiba aad ogayd in uu soo gutay. sidani si maaha, ee waxad u baahan tahay in aad is nadaamiso, oo aad wax ka bedesho qaabka aad siyaasadda ugu jirto. waxa si weyn kaagan khaladan siyaasadda aad ku olaylaynayso, cid aad ku soo jiidan kartaa ma jirto caydda iyo af-xumidda aad kula kacayso Cirro. waxad u baahan tahay in aad soo bandhigto waxa aad ku doonayso madaxnimadda, ee aad u rabto in dalka iyo dadka aad ku hogaaminayso, maaha waxa aad macfaladda la taagan tahay, tii madaxnimo doonka, imika huubaddii baa ku socota, ummaduna way ku aragtaa, laguuguna foodi-maayo, adiga baa iska sii eryaaya dadka, adiga iyo cidla baa is leh, haddii aanad wax ka bedelin qaabka aad u socoto, laba jeer oo hore baad bacaadka qabsatay, wixii aad shalay sheegtay, baad maanta masaxdaa, aad bay kaaga xun yihiin arimahu, is garwaaqso baan ku odhan lahaa, hadii kale adiga iyo meel xun baa is leh.

Ma waxa olole iyo kaambayn kuu noqonaaya, Cabdiraxmana Ciro waxa uu yahay ninka u madaxa ah, waxa diinta ay ku sheegaan ee loo yaqan Dalai, oo calankiisu waa kiisii, wuu dhukuran yahay, sidiisa adba waad dhukurantee ma isaggii baad tahay, miyaanad waxba ka xishoon? xaal miyanu ku qaban? marna ma u fiirsatay waxa aad ku hadlayso?, miyaanad lahayn la taliyayaal kaa qabta khaldka? Eragii uu ku lahaa Madax-weynuhu ee ” UF” waxa aad ku galabsatay, malaha weli is maad weydiine, waa af-xumadda aanay kuu kala soocayn wanaaga iyo xumaantu. waxa ku haya oo aad waxaa u samaynaysaa, wax kale maaha ee waa hinaase kaa galay Cirro, adigoo ay kugu kelifayso, beri buu kuu ahaa madax-weyne ku xigeen, ee sidee buu u noqdaa madax-weyne? taas oo aad adigu si dhigtay halkaa. Cabdiraxmaan adiga oo jooga Turkigga ( Dalka turkiga), kii kaa soo gaxeeyey buu ahaa ee ku keenay Finland, adiga oo sita shandadda gacanta ( Hand bag), intuu uu kuu samiri karayeyna wuu kuu samray, oo laba jaanis buu ku siiyey, laakiin adiga baa iska lumiyey, markii aad ka soo rayn wayday. hadaad is leedahay waad la hadhi karaysaa, been baad naf-taadda u sheegtay, wax aad u sii kordhiso mooyaane, cidi usgageed oo aad sidan ugu dhimi-karaysaa waa habeenkii xalay ee tegay, wax kula yaaba mooyee, bal cid kugu raacdda soo hel.

Waxan ku soo xidhay, waxa kuu wacan in aad samaysato dad kuu hadla, ama kuu soo qoro waxa aad doonayso, in aad shirarka ka akhrido, kuna ekaato inta laguu soo qoray, maah in aad xaal-kaagu noqdo biyo bataqal, oo makarafoonka marka laguu dhiibo aad iska walaaqato, waxan aad uga xumahay kuwa kugu sii daynaaya ee aan ku qabanayn, hore baad u eeday af-xumidaas, hadii uu kulmiye ku yidhi la hadh Cirro, oo caytan, dabeed aad indho li’i iyo dhego li’i kula dhaqaaqday, waa nasiib darro, Cabdiraxmaan kuu jawaabi-maayo, kaan hadli maayo, ee wuxu wataa siyaasaddii uu dad ku soo jiidan lahaa, waana taa lagu soo qulqulayaa, adna aad dirqi iyo alaahu ku soo heshay madax-weyne ku xigeen, imikana wax sidan ku heli maysid, caydaaduna waxba ka qaadi mayso Cirro, ee way u sii sad kordhinaysaa, ee dib isugu noqo, oo ka hadal siyaasad wax kuu tarta, inta aad ka baxdo Waa ” Budhist iyo wuxu yahay Dalai”, ee aad weliba is dhex-qaadsan tahay, dadku way kugu qoslayaan ku dhegay-sanayaa, inta aad is leedahay sacab bay kuu garaacayaan, ee is la yaab, waali iyo miyir qab mid aad tahay la kala garan waaye, haddii kala ku sii soco sidaa aad doorka biday, bal waxa aynu eegnaa waxa aad ka hesho iyo halka ay kula tagto’e.

Qore:- Dr Daacad Alle Yaqaan.
daacad1512@gmail.com