Fariin Ku Socota Tageerayaasha Iyo Maal Galiyaasha Xisbiga KULMIYE.

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Aslamucalaykum waraxmatulahi wabarakatu

Fariintan tooska ihi waxaay ku socotaa tageerayaasha iyo maalgashadayaasha xisbiga talada haya ee kulmiye.

Haddii waa haddii_eh Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud(siilanyo) ka haadho ama uu ka tanaasulo inuu ka qaaybgalo tartanka doorashadda madaxwayne ee somaliland 2015, waxaan u soo jeedinyaa inaay taageerayaasha iyo maalgashadayaasha xisbiga kulmiye aay iigu tageeraan inaan xisbiga iska soo sharaxo islamarkaasina aan ku tartamo jaagada madaxwaynaha xisbiga kulmiye, sababta oo ah in raaga la haddaal haayo ee hungurigu kaga jiro musharaxnimada xisbiga ee jagada madaxwaynuhu aanay ahaayn raag ku guulaaysan KARA inaay doorashada ku guulaystaan,kuwaas oo aay ka mid yihiin Axmed biixi yoonis,muuse biixi,iyo samaale.

2893162

Sidaasi darteed haddii uu xisbigu iga ogolaado inaan isu taago musharaxnimmada jagada madaxwaynaha ee kulmiye/somaliland waxaan si waayn u aamissanahay inaan u keeni karo xisbiga guul WAYN oo keenta in xisbigu taladda dalka sii haayo, islamarkaasina waxaan ka soo xuli doonaa Madaxwayne ku xigeenka beelha baariga ee Wasrsangali iyo dhulbahante, waxaanan ku doodi doonaa in beelahaasi chance la siiyo aay ku noqdaan madaxwayne ku xigeenka somaliand oo aay ka mid yihiin deegaan ahaan xaqna aay u leeyihiin in aay dalka madaxwayne/kuxigeen ka doqdaan,haddii aay noqoto in dastuurka wax lagabadalana waxaan si aadag oo xariifnimo ah ugu doodi doonaa in beelhaasi warsangali/dhulbahante aan ka dhigo madaxwayne/kuxigeen,

waxaan wax wayn ka badali doonaa nidaamka musqmaasaqa aay siyaasiyiinteenu cadasteen anigoo dabargooyndoona qabyaalda iyo waxii la halmaala, islamarkaasina dalka u keeni doona ictiraaf buuxa iyo hor ummar horleh,anigoo balan qaadayaa in hawlaha wax qabad ee xukummadani ku talaabsatay aan halkaasi ka sii wado, islamarkaasina somailand KALA mid dhigo dalalka hore u maaray, anigoo dhisi doona nidaam cadaalad ku salaaysan iyo hormummar islamarkaasina aan 5 sano ee soo socda 2015/2020, aan ku dhisi doono ilaaha dhaqaalaha sidaa infrastructure ka/warshadaha/wadooyinka ama highwayska/railwayska educationka energyga/isgaadhsiinta ama communicationka/bankinka/housinka/horumarinta reermiyiga/waxsoosaarka beeraha iyo xoolaha nool,islamarkaasina aan samaayn doono shaqa abuurid balaadhan iyo inaan dib u dhis ku sameeyo, dastuurka/iyo golayaasha wakiilada/gurtida iyo garsoorka.

sidaasi darteed haddii aan tageero buuxda ka hello tageeraysha/iyo maalgashadayaasha xisbiga kulmiye inaan iska soo sharaxo xisbiga waxaan balan ku qadayaa inaan guul waarta u soo hooyo xisbiga/somaliland iyo geeska Africa.

Inshalaahu.

Wabilaahi towfiiq

Musharaxa Jagada madaxwaynaha ee xisbiga Kulmiye

Saciid Xariir diiriye

Email:saidderia@yahoo.co.uk

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Fekrada Iyo Qaabka Fahan Ee Qoraalkan Waxaa Iska Leh Qoraaga Ku Saxeexan, Kasbashadiisa Iyo Ka Booditaankiisuna Wuxuu Gaar U Yahay Isla Qoraaga. Marnaba Kama Masuul aha Shabakadda Somalilandtoday.com Balse waxay Shabakaddu Diyaar u Tahay Is Dhaafsiga Rayiga Gacal Wadaaga Ah……..