Faransiiska Oo Ammaanka Goobaha Lagu Dalxiiso Adkeeyay, Soona Dhoobay Ciidamo Tiro Badan+SAWIRRO

(SLT-Paris)Faransiiska ayaa heegan geliyay ciidamadiisa ammaanka, iyadoo  dalbaday ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaata haawl galada, marka ay soo kordhaan xaalado deg deg ahi.

00000000000000000000001 000000000000000000000000000000003

Ciidamo hubeysan ayaa lagu arkay xeebaha loo dalxiis tago ee Koofurta Faransiiska, iyadoo ciidamadan ay gaaf-wareegaan xeebaha iyo agagaarkooda. Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa sheegay in dalkiisa uu ku jiro dagaal, waxaana uu sheegay inay ka guuleysanayaan argagixisada.

00000000000000000000002 000000000000000000000004 0000000000000000000000000000000000006

Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Nice ee lagu dilay 84 ruux oo la jiir-siiyay gaari xamuul ah iyo dilkii maalin ka hor wadaad  baadari ah loo geystay, waxaa sare loo qaaday amniga goobaha cibaadada iyo meelaha dadka ku badan yihiin.

Faransiiska ayaa ka feejigan weeraro dheeraad ah oo Kooxda IS la beegsado dalkaas, iyadoo sanadkan iyo kii hore weeraro dad badan ku dhinteen ay ka dhaceen, kaasoo ay sheegatay kooxda IS.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.