Fanaaniinta Waayaha Cusub Oo Sheegay Inay Iska Dhiibeen Dalka Holland.

(SLT-Holland) – Kooxda fanaaniinta Soomaalida ah ee Waayaha Cusub ee uu saldhigoodu yahay magaalada Nairobi ayaa ku go’doonsan caasimadda dalka Holland, waxaana la sheegay in aanay ku noqon Karin Kenya.

Waxaana la sheegay inay taasi sabab u tahay kaadhadhkoodii qoxootinimo ee Kenya oo laga qaadey ka hor intii aanay u duulin Holland oo ay kaga qayb-galeen bandhig nabadeed ka dhacay waddanka Holland.

Falis Cabdi Maxamuud, oo ka tirsan kooxdaasi ayaa saddex carruur ah oo ay dhashay ku xayiran yihiin magaalada Nairobi, sida ay u sheegtay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da “Dawladda Kenya waxay naga uruiyeen waraaqihii qoxootinimo ee aanu ku joognay Kenya, waxayna nagu war-geliyeen in aanaan ku laaban karin Kenya, haddii aanu soo laabano-na ay Soomaaliya noo gudbinayaan, waxaan ku idhi saddex carruur ah ayaa iga jooga Nairobi, dabadeedna waxay igu yidhaahdeen kama bixi kartid garoonka (Markii hore ee ay tagayeen Holland)…” ayay yidhi Falis.

Waayaha Cusub

Dalka Holland ayaa waxa ku xaniban shan fannaan oo ka mid ah kooxda waayaha cusub. Ilaa haddana lama garanayo sababta Kenya sidaasi u yeeshay.