Fannaanadii Ugu Horraysay Ee Af-Soomaali Ku Heesta Oo Hargeysa Ku Geeriyootay

Hargeysa (Somalilandtoday)-Allaha u naxariistee waxaa Magaalada Hargaysa ee Somaliland ku geeriyooday Fannaanada Shamis Abokor Ismaaciil “Guduudo Carwo” oo muddooyinkii dambe ku xanuunsaneysay Hargaysa.


Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelada Marxuumadda saaka ayeey ku geeriyootay Magaalada Hargaysa.

Fannaanada Guduudo Carwo ayaa ah haweenaydii ugu horeysay ee Af Somali ku heesta ee laga maqlo gayiga Soomaalida.