Fanaanka Abdikariin Raas Iyo Nimco Degan Oo Cadeeyay Inay Fanka Somaaliga Qani Ka Dhigi Karaan, Kadib Markii Ay Albam Caalamiya Soo Sareen Iyaga Iyo Fanaaniin Indian Ah . Akhri Oo Daawo

(SLT)-  BBC World Service ayaa  ku soo  bandhigtay barnaajikeeda caanka ah ee ( Strand) oo adduunka oo dhan  la dhegaysto waraysi ay layeelaty fanaanka Cabdikarim Raas oo ku heesa Afka Somaaliga.  Waraysigaas waxaa ku weheliyey Abdikariim fanaanka  asalkiisu yahay reer India laakiin waddanka UK in badan ku noola  oo layidhaado Kuljit Bhamra,  Fanaankan ayaa ah  nin caan aad uga ah guud ahaan waddanka UK kadib markii uu  horumirayey fanka India siiba ahaan ka loo yaqaano Bhangara oo kasoo jeeda gobolka Punjab  iyadoo fankaas lagu garaaco durbaan ama sida meela badan looga yaqaan (Tabla).

Labada Fanaan Ee Raas Iyo Degan Ee Taariikhda Sameeyay.

Waxay soo bandhigeen Abdikariim iyo Kuljit album caalami ah oo si wadajir ah ay  u wada qaadayaan heeso Somali iyo Hindi ah  waxaana ku wehelisa heesahaas Fanaanadda Nimco Degan.

Albamkaasu wuxuu ka noqday waddanka  UK mid aad uga cajabiyey jaaliyadda  asal ahaan kasoo jeeda India  , taas oo ah  jaaliyadda  ugu badan dadka ajanabiga ah ee ku nool waddanka UK.  Balse Albamkani haba yaraate kumuu fidin dadka Af-Somaaliga ku hadla.

Waxaad mooddaa sababta uu ugu yaryahay inuu albamku ku fido dadka Somaliyeed ayaa ah inaan si  sahala ah loo heli Karin uuna leeyahay xuquuq lagu iibiyo, taas oo lagu iibinaayo  dukaanada waa weyn ee Miyuusiga iibiya sida dukaanka caanka ah HMV, sidoo kale waxaa Albamkan si toosa looga iibsanaya oo waliba xawaare ku socda barta interneedka.  Albamkan ayaa ka duwan sida  dhaqanka heesaha Soomaaliyeed loo dhegaysto kuwaas oo si fudud lagu dhegaysto suuqana si yar u soo gala ugana baxa .

Mar ay BB’du waraysatay Fanaanka Abdikariim Raas ayna waydiiyeen siday isu heleen ama u qorsheyeen fankan wadaaga  wuxuu yidhi  “Waxaan imi  Studio’ga  Kuljit Bhamra ee ku  yaala waqooyiga London,  waxaan u keenay CD heeso Somaaliyeed ku jiraan , waxaan ku idhi bal soo dhegayso”.  Isagoo hadalkiisa si wata Abdikariim wuxuu markale yidhi .  ”Kuljit ayaa igu soo noqday muddo kadib isagoo leh miyuusigu waa cajiib,  iidaa aniga wax la damacsane   waxaana ka soo baxday arrintaas  wada shaqaynta ah ee na dhexmartay album caalami ah oo la filaayo inuu adduunka aad ugu fido. Yadoo uu qaban qaabadiisana lahaa Studio’ga Kuljit.”

Waa markii ugu horaysay ee miyuusiga Soomaaliyeed  adduunka sidaas ugu fido, inkast oo aad looga dhegaysto bariga Afrika sida Sudan, Jibouti, Ethiopia iyo Eritrea. Haddana mar qudha muu gaadhin heerkan hadda,  BBC World Service ayaa si weyn u qaada dhigtay sida laysu waafajiyay labada Fan ee Somaaliga iyo Indianka.  Muddo dheer ayay soo taxnayd dhibaatada Faqriga ah ee haysata Fanka Somaalida, oo midho ahaan hodan ah  tasoo dhibatadu ahayd xuquuq la’aanta. Balse Fanaanka Abdikariin Raas iyo Fanaanadda Nimco Degan oo dhalsho ahaan ka soo jeeda Waddanka Somaliland ayaa arrintan ay sameyeen  ahayd masax ku fiican in lagu Hanbalyeeyo. Shabakadda Somalilandtoday oo ah Saxaafadda kaliya ee Somaaliga ah ee ilaa hadda wax ka qortay Albamkan waxay  Hanbalyo u diraysa Labada Fanaan ee Abdikariin Raas iyo Nimco Degan, Waxaana waajib ah in aanu buun buunino dhacdadan soo jiidatay in dhaha caalamka, waxaa xalay  lasocday markii barnaamijkaasi ka baxaayay BBC World Service Malayiin dad ah oo ku dhaqan waddanka Ingiriiska iyo adduun dacaladiisa. Hoos Ka Daawo Qaabka Caalamiga ah ee albamkaas loo Sameeyay Daawo.

Shabakadda Caalamiga ah ee Somalilandtoday adigaa leh aday ku matashaa kala soco dhadooyin kugu cusb markasta. kala xidhiidh emailka. contact@somalilandtoday.com

Halkan Guji Oo Daawo.