Fanaanadda Caanka Ah Ee Sahra Halgan Oo Ugu Baaqday Wasiirada Maaliyada Inay Is-casisho, Shirkii Burco-na Ku Tilmaantay Dhaawac Qaran

(SLT-Hargaysa) Fanaanada Caanka ah ee sida weyn loo yaqaano Sahra Halgan, ayaa foolxumo ku tilmaantay shirkii Madaxweynuhu qayb kamid ah Beelaha Habarjeclo ugu qabtay Magaalada Burco, kaas oo xubno kamid ah golaha Wasiirada oo shirkaas ka qaybgalay ay Saxaafadda mariyeen hadalo kala qaybinaayay bulshada Somaliland. Sahra Halgan oo ah shakhsiyad siweyn ugu dhaatada qadiyadda Somaliland waxay sidaa ku sheegtay qoraal ay ku baahisay bartay ku leedahay shabakada Facebook-ga kaas oo u dhignaa Sidan.

image

“Waxaanu xaal siinayna ummadda Somaliland  iyo jiritaanka Qaranka oo aan gayin qoloqolaynta iyo kala qaybinta ay ku kacday mid ka mida madaxda Qaranka oo mataalaya  ummadda Somaliland muxaafid iyo mucaariba.

Waa gaf waxaanu ka soo horjeednaa in la yidhaahdo hadaanu nahay Waarso  iyo Nato Qarankan  iyo Muj:  Muuse Biixi  midna magayo in lagu matalo Hadaba waanu codsanaynaa inay is casisho  Maaliyada Maaliyada Samsam Cabdi Aadan,  waayo xilkii loo dhiibtay way ilawday.”

SOMALILAND GUUL IYO GOBANIMO.

Sahra Halgan.