Falaqayn Sharci: Muranka UCID iyo Jamaal Cali Xuseen

Waxa beryahan soo xoogaystay muran sharci oo ku saabsan in Jamaal Cali Xuseen uu u yahay murashax Xisbiga UCID iyo in kale. Qoraalkan kooban waxaan ku eegi doonaa dhinaca sharci ee muranka.

faysal-jamaal

 Waxa haboon in la is xasuusiyo in arinkani ku lug leeyahay dhacdooyin isdaba joogay oo ku sal lahaa is-faham ay wada gaadheen UCID iyo xubno ka tirsanaan jiray Xisbigii dhintay ee UDUB. Xubnaha UDUB oo uu hoogaaminayay Jamaal Cali Xuseen waxay la galeen UCID is-faham dhawr arimood taabanayey. Is-af garadka dhex maray dhinacyadu wuxuu taabtay tirada xubnaha Golaha Dhexe, xubno cusub oo ku soo biiray Golaha Fulinta iyo cidda murashax u noqonaysa UCID. Sadexdaas arimkood mid kasta oo ka mid ah si cad oo aan mad madow ku jirin ayuu uga hadlayaa Xeerka UCID.

Waxa waajib ahayd in is bedelka ku duugan is- afagaradka la waafijiyo xeerka xisbiga si uu u noqdo dhaqangal iyo mid waajib ku ah xisbiga inuu fuliyo. Is-faham kasta oo dhinacyadu wada galaan sharciyan maaha mid ay tahay waajib in la fuliyo (legally binding). Sidaasdarteed, heshiiska leh micnaha ama saamaynta siyasadeed iyo bulsho (gentleman’s agreement), iskii uma noqdo sharci ahaan mid la qaadan karo. Hadaba, markii dhinacyadu is-fahmeen waxay ahayd in la qaado talaabooyinkan soo socda:

Sida ku cad qodobka 37 ee Xeerka Xisbiga, Gudida Fulinta ee xisbigu waxay ahayd inay soo jeediyaan wax ka bedel lagu sameeyo Xeerka Xisbiga iyaga oo u gudbinaya Golaha Dhexe ee Xisbiga oo awood u leh in uu ku ogolaado 1/3 xubnaha Golaha Dhexe. Hadii Golaha Dhexe ogolaado waa in loo gudbiyaa shirwaynaha Xisbiga oo awood u leh inuu yeelo ama diido wax ka bedelkaas. Waxana uu ansax noqon karaa wax-ka-bedel ama kaabsitu marka shirwaynuhu ansixiyo. Sababta wax ka bedelka loogu baahnaa waxay ahayd in sharci laga dhigo is-fahamka oo ka soo horjeeday Xeerka Xisbiga.

Sida ku cad qodobka 12 ee xeerka Xisbiga shirwayne aan caadi ahayn waxa soo jeedin kara Gudida Fulinta ama 1/3 xubnaha Golaha Dhexe, waxana Golaha Dhexe ku ansixinayaa 2/3 xubnaha Golaha Dhexe ee kal fadhiga joogta. Taas oo macneheedu yahay 2/3 xubnaha Golaha dhexe ayaa isugu yeedhi karaa Shirwayne aan caadi ahayn. Gudida Fulinta ayaa marka ay hesho go’aanka Golaha dhexe ku ansixiyey shirwayne aan caadi ahayn waxay 20 maalmood gudoohood ku qabanay shirwaynaha aan caadiga ahayn. Wax ka bedelkii ay soo jeediyaan Gudida Fulintu ee ay ansixiyaan Golaha Dhexe ayaa loo gudbinayaa Shirwaynaha.

Heshiiska dhinacaydu gaadheen wuxuu dhaqangal noqonayaa marka uu maro wadadaaas ee uu ka soo bilaabmo Golaha Fulinta ee uu ku dhamaado Shirwayanaha Xisbiga. Balse talaabooyinkaas sharci lama qaadin. Ma jirin habayaratee wax ka bedel uu soo jeediyay Golaha Fulinta oo loo gudbiyay Golaha Dhexe oo u sii gudiyay Shirwayne aan caadi ahayn. Lama ba qaban shirwaynihii UCID kadib 4 ilaa 5tii January 2012 oo ahayd markii uu qabsaday shirwaynihiisii caadiga ahaa. Waqtigaas oo ka horaysay ku soo biirtaanka xubnaha UDUB.

Tusaale ahaan xubnaha UDUB ka soo guuray si ay u noqdaan xubno rasmi ah oo ka tirsan Golaha Dhexe waxay ahayd in la qabto shirwayne aan caadi ahayn oo lagu ansixiyo. Kadib ayaa loo magacaabi karaa xilal. Sida muuqata xubnaha UDUB iyaga oo aan akhrisasn Xeerk Xisbiga ayay talaabooyinka qaadeen.

Ka mid noqoshada Gudida Fulinta iyo Golaha Dhexe

 Qof kasta oo aan ku jirin Golihi Dhexe ee la doortay shirwaynihii u danbeeyey (oo ka horeeyey xubnaha UDUB) ee loo magacaabay Gudida Fulinta waa waxba kama jiraan xilalkaas loo magacabay. Si ay u noqdaan ansax waxay ahayd in in la qaado talaaboyinkan:

  1. In lagu daro liiska xubnaha Golaha Dhexe ee shirwaynaha aan caadiga ahayn lagu doorto sida ku cad qodobka 18 ee xeerka

  2. Markay soo galaan xubnaha Golaha Dhexe ayaa loo magacabi kartaa Gudida Fulinta

Qof aan kaba tirsanayn Golaha Dhexe ma noqon karo xubin Gudida Fulinta ah. Golaha Dhexena waxa doorta Shirwayne. Shirwaynana lamaba qaban tan iyo markii xubnaha UDUB soo guureen.

Madaxweyne iyo ku xigeen

 Jagada Madaxweyne iyo ku-xigeen waxa sharixi kara Xisbi ka gudbay doorashada Deegaanka.Qaabka Ucid u marayana waxa uu ku dhigan yahay qodobada 27 iyo 28 ee Xeerka Xisbiga. Waxa xusid mudan in xubanah Golaha Dhexe ee dooranaya murashaxiiintu ay marka hore yihiin kuwo sharci ah oo uu doortay Shirwayne. Taas oo macneheedu yahay in Gole Dhexe oo ay fadhiyaan xubnihii UDUB ka soo guuray aanu ahayn sharci waayo waxa Gole Dhexe dooran kara oo keliya Shirwayne. Sidoo kale soo bandhigidda murashaxnimadu waa arin mar walba u yaal Golaha Dhexe oo markii uu doono cidii uu doono ka dhigi kara ama ka noqon kara. Sidaasdarteed maaha arin sharci ahaan kakan oo mad madow ku jiro, inkasta oo ay siyaasad ahaan ka duwanaan karto. Marka la eego Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axaabta Siyaasada, Xisbiga Kulmiye keliya ayaa leh murashax madaxwayne (UCID iyo Waddani weli ma laha).

Xubnaha Urur/Xisbi ka soo guura

Sida ku cad qodobka 9(5) ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta iyo qodobka 5(7) ee Xeerka Xisbiga, waa in qofkii ka soo guura xisbi/urur kale uu iscasilaadiisa u gudbiyaa xisbiga/ururka uu hore uga tirsanaa. Kadibna soo codsadaa xubinimada Xisbiga/ururka uu ku biiray.

Guleid Ahmed Jama

Blog: http://www.guleidjama.blogspot.com/

https://www.facebook.com/guleidahmedjama/

Twitter: GuliedJ

Guleid waa qareen ka hawlgala maxkamadaha Somaliland islamarkaana falanqeeya arimaha sharci iyo siyasadeed oo ka tirsan Xarunta Daraasadka Siyaasadda (Centre for Policy Analysis). Guleid wuxuu ka mid ahaa xubno qareeno ah ee dib u eegis ku sameeyey Xeerka UCID sanadkii 2012. Qoraalkani waa aragtidiisa shaqsiga ah kumana metelo cidna.