Fahanka Nafta: W/Q– Zamzam Faysal Cali

Inaad eegto ayaad ka alle ee rabaaniga ah bal naftiina fiiriya sida uu rabi kuu abuuray waxaad kala soo baxaysaaa duruus. Naftu waa wax illaahay swt ku abuuray noolaha taas ugu talo galay inay caabudaan sida u quraanka ku sheegay Naftu waa cadowga koobaad bini aadamka hadii aanad ka feejignaan ama ka taxadirin ka illaalinta wixi xun nafta taas oo u keenaysa xad gudub.

SAMSAM-FAYSAL-296x300

Gaalnimo Maxaa yeelay haddii aanad ka ilaalin nafta waxay kuu horseedaysaa in aakhiro iyo aduunka ku seejiso ,la dagaalka naftu waa ka gun gaadhka himilada iyo hiigsiga nafta waxaad kabadbaadaysaa inaad cadaab ka fogaato ,taas micnaheedu maaha waad ka ilaalin kartaa Nabigu csw waxa uu yidhi “waxaan allaah ka magan galay sharka nafta iyo anfaasha aan samaynayno “ ayuu odhan jiray mar kasta oo uu hadalka bilaabayo.

Waxa jira sadex nafood

  1. Naf degan oo xasiloon waa mid ku degtay daacaadka rabigeed swt ,waa mid ku xasiloon diinteeda iyo shareecada waa mid adoon alle u ah oo og inaanaynu ka maarmarmi Karin allah ,waa mid rabigeed jecel

  2. Ta labaad waa mid naf dagal badan oo mar kasta qoomamaysa hadi ay gaf samayso nafteedana ku dagaasha ee tiraahdaa waxaa maxaa kugu watay hadii aad sidaa samayn lahayd mar kasta ka soo noqota dunuubta ay gasho.

  3. Naf amar badan waa ta aan ogayn ama aan fahan buuxa u lahayn wixi allah swt u abuuray ,waa mid ku amarta xadgubka hadii aad iska difaaci waydo shaydaanka , waa mid hawo raac aduun ah Shaydaanku waxa ku hawlan yahay sidi uu insaanka ugu hogaamin lahaa baadilka u nacsi lahaa ugu horseedi lahaa fasahaadka ,dantiisana ka weeciyaa . DARYEELKA NAFTA Allah swt ,marka uu dadka abuurayo isku si kama wada dhigo balse waxaan soo ka hadlayaa sidaad ku daryeeli karto nafta ugana dheerayn karto wixin dhibaato ku ah,hadaba naftu waxay u kala qaadayaa laba qaybood oo kala cadhada faraha badani waxay ku keentaa nafta in ay marka ku jirto diiqad aan dhamaad lahayn hiiftanka nafaha kale ,madax xanuun badan daal ,wahsi ,qoomamo uu mar kasta qoomamaynayo dhibaatooyinki hore ugu dhacay ama laga soo gud bay.

Haddaba, sideen uga hortagaynaa adigoo ka duulayaa hawlahaa aynu ka hadalnay isaga oo qofku ka dheeraanaya ama aan xasuusan dhibti haysatay wakhti la dhaafay una mar kasta ku noolaado farxad uu u muujinayo nafaha kale ee la dhaqanka ,naf kastana ku tix galiyo dhaqankeeda maxaa yeelay nafuhu ama dadku isku dhaqan maaha isku dabeecadna maaha ,adiga oon marna ku sii dayn nafta ama ka diidin wixi ay rabtay waa hadi ay suuro gal tahay xanaanqa soo noq noqdana iska yarayso ku la noolaato dabeecad wanaag ta labaad waa hurdo yarida taas oo nafta ama qofka ku kalifta inuu caafimaadkisu hooseeya iyo sawirashada nafsadu sawirayso waxaan u fiicnayn dareenka oo ku kaliftaba naftaadu inay ku baabado ama aanay gaadhin meeshi aad rabtay ,hadaba sideed uga hortagi kartaa ama ku daryeeli kartaa naftaada adigoo dajiya nafta ,nasasho si yana hurdo ku filan firfir cooni badan oo aad u muujisid nafaha kale sidaa aad naftaada la jeceshahay si ay kugu muusodaan ,naftaadna ku qancin karto xaalad walba oo kula darista inaad ka bixi karto kana guur guuran karto naftana aad barto sidi aad uga digtoonan lahayd wixi dhib ku ah , akhrisatana buugaagta islaamiga si naftu ugu qabowdo una ilowdo wixi dhibaato ah samirjana aad badiso si u allah kugu taakuleeyo wax walba oo aad hiigsanaysay.

Haddii aad intaa usmaysid naftu waxay noqonay mid u hogaansanta himilo walba oo ay rabtay kuna guulaysato caqabadaha haysta dadka aan fahansanyn nafta hadi aan wax yar oo kooban kaga hadlo caqabadaha ugu waa weyn ee haysta ruuxda anigoon aad uga hadli karin inta ugu muhiimsan ayaan ka soo qaadanayaa ta kowaad waa diin la,aan ama diinta oo aanu si fiican u fahansanayn qofku taasi waxay keenaysaaa inay naftu kaa awood badnaato akhirana aan u shaqaynsan ,cibaado yari tusaale ahaan salaad la,aan taas oo ku kalifaysa inay naftu ku koobnaato dhal dhaalka aduunka ee aan lagu waarayn. ta labaad mar marsiyo ay naftu ku maaweeliyo shaqo la,aan iyo wax u dhigma war war badni nafta iyo hurdo badni ku keenaysa wahsi faro badan , nafta ood ku qancisid wakhti lumis tusaale daawasho waxaan nafta raali galin Tarbiyada nafta tarbiyadu waa kobcinta ,barbaarinta iyo hagaajinta nafta adigoo ku rabaynaya tawxiidka ,cibaado iyo dhaqanka wangsan ee jano ku dhawaynaya sida u imaanka naftu u weynaynayo inaanad dusha uun ka nadifin tusaale waad qubaysataa jidhkaaga waxaad ka dhawrtaa si aanay wasakhi u gaadhin hadaba naftuna ama ruuxduna waxay u baahan tahay in sidaas oo kale lo daahiriyo waa inaad naftu ku tarbiyeyso sidi ay u rabayn lahayd nafta iyo quluubta badsatana akhrinta quraanka kariimka ah ku hadalka qalwka wangsan si aad u ahaato qof qalbi wangsan oo nadiif ah leh kana daahir yeelo wixi camaliyaad ee xun inaad nafta ka daahir yeesho wixi ku keenaya akhlaaqad xumo ,gaalnimo iyo istusnimo ,illaahay swt waxa nimcadisa ka mid ah inaan dambigu korkeena ka soo urin Daahirinta nafta Ruuxda waa amar alle oo cidi aad uma taqaan balse waxaa haboon inaad ku hanuuniso xoog adag saarto sidi aad u daahirin lahayd allah (swt) waxa uu sheegay in nafta bini aadamku ku amarto nafta xumaanta hadii aad ka hor joogsato wixi ay naftu rabtay ama ay jeclaysanaysay ee xumaa waxay ku horsedaysaa inay naftu hanuunto liibaantana Rabi swt waxaa u ku dhaartay toban dhaarood oo isku xiga waxa uu yidhi waxaa liibaanay cidi naftiisa daahiriya kana dhawra wixi xun si ay nafteenu u noqoto mid istaahisha inay janada gasho oo danbigi laga tiro ,waxa khasaaray cida naftiisa xaqiray daadeeyey oo faraha ka qaaday oo aan daahirin Nabigu scw waxa isna sheegay mujaahidka dhabta ahi waa ka naftiisa dar alle u daahiriyey una jihaaday wanaaga ay diidan tahayna ku qasaba ,xumaanta ay rabtana ka joojiya o xakameeya Arimaha qofka ku caawinaya sidii uu daahir uga dhigi lahaa naftiisa waxaa ka mid ah : rumaynta ilaahay, akhrinta qur’aanka iyo kudhaqankiisa, barashada cilmiga diinta, dikriga ilaahay, macaasida oo laga tago

  1. Inuu qofku la imaado iimaan saxda ah

  2. Quraanka kariimka ahi waxa uu daahiraya ama qalbiga u nuuriyaa barashadisa alle swt waxa u ku sheegay quraanka dhani inuu yahay ruux ruuxda nooleeya oo adkeeya

  3. Barshada cilmiga shareecada iyo inaad ku dadaasho sababta oo ah cilmigu waxaa ka hor isdaagayaa muqdi waxaana uu ku horseedayaa nuur qalbigana nuur uga dhigo

  4. Daacadka iyo khayrka badato tusaale ahaan salaadu waxay kaa daahirinaysaa ruuxda ,sadaqadu iaydana sidoo kale nafta ayey daahirisaa,xajkuna sidoo kale ,wanaago oo dadka la faro xumaantana laga reebo iyaduna waxay daahirinaysaa nafta

  5. Inaad eegto ayaad ka alle ee rabaaniga ah bal naftiina fiiriya sida uu rabi kuu abuuray waxaad kala soo baxaysaaa duruus

  6. Inaad xoojiso digriga alle

  7. Inaad ka fogaato dunuubta danbiga yari wuxuu ku horseedayaa inaad dambi weyn ku dhacdo hadii aanad alle ka hor joogsan Hadaba waxaan ku soo gunaanadayaa mawduucan aadka u muhiimka ah nafta la xakeemo lagana hor isgaado wixi fasahaad aan haboonayn ku keenaya.

Qalinka: Zam-zam Faysal Cali