FAHANKA DHUUXA AQOONTA CAAFIMAADKA ” Core of Health Study”: Gorfeyn iyo Falanqeyn Cilmi ah. Qalinkii Jamal A. Muse

Hordhac:
Ugu horreyn, cilmi kasta oo la bartaa wuxuu leeyahay qiyam iyo dhuux quudiya maanka qofka
xirfaddaa bartay. Run ahaantii cilmiga caafimaadka oo ah qayb wayn oo ka mid ah culuumta aan
samaawiga “Diimaha” ahayn ee aadmigu barto ayaa ah mid leh han wayn iyo himilo aqoonneed oo
ka durugsan inta Soomaalidu ka fahansan tahay.
Hadaba, waxaan si wayn qormadatan ugu lafo guri doonaa fahanka dhuuxa cilmiga caafimaadka oo
dadka Soomaalida ah aad ugu dabo roggan. Aniga oo intii hal-karaankay ah isku hawli doona in aan
helo eray bixin caafimaad oo afka hooyo ah. Sidaa darteed, wixii khalad ah ee aad aragtaan, fadlan
sixitaan ila ogaadda, maadaama ay adag tahay helidda eray bixin caafimaad oo af-Soomaali ah.

Waxaanan fahanka dhuuxa aqoonta caafimaadka ku soo koobayaa dhawrkan qoddob:
1. Weeleynta Cilmiga Caafimaadka “Health literacy”:
Weeleynta cilmiga caafimaadku waa awoodda qorida iyo akhriska culuumta caafimaadka oo ah
dhiteyn wayn oo qofka xirfadda caafimaadka bartay amma baranaya siinaysa miisaan aqoonneed iyo
xeel-dheeri cilmi oo baahsan.
Mar kale, waa hab salka ku haya fahanka xogta aasaasiga ah ee cilmiga, adeegyada iyo go’aamada
caafimaadka. Waana nidaam balaadhan oo lagu xaqiijiyo tamarta fulineed ee xirfadlaha caafimaad
ku gudbin karo xogta culuumta caafimaadka, si kor loogu qaado nolosha caafimaadka bulshada.
Sidoo kale, xoojinta iyo xaqiijinta weeleynta cilmiga caafimaadka, waxaa lagu soo koobaa
qoddobadan hoos ku xusan:
• Akhris “Reading”.
• Qoraal “Writing”.
• Dhegaysi “Listening”.
• Ku hadal “Speaking”.
• Sugnaanta ujeedka “Numeracy or Ability to reason”.
• Koobid, Qiimeyn iyo Lafo-guridda xaladaha adag “Critical analysis”. Waxaana qoddobkan sal-
dhig wayn u ah adkeynta is dhex-galka iyo xidhiidhka bulshada “Communication and interaction
skills”.
2. Xirfadda Is Maareynta “Healthy self-management skills”:
Ugu horreyn, xirfadda is maareyntu waa hanaanka bixinta waxbarasho caafimaad iyo taageeridda
koritaanka garaadka xirgadlaha caafimaadka iyo ka busho waynta. Tusaaleyaasha ugu waawayn ee
xirfadda is maareynta laga xusi karo, waxaa ka mid ah:
• Kalsooni qofnimo “Self confidence”.
• Degannaansho “Persistence”.
• Adkeysi qofnimo “Resilience”.
• Dulqaad ” Patience”.

• Fahan wanaag “Perceptiveness”.
• Habka dareen dejinta “Emotional regulation”.
Hadaba, habkan ayaa ah mid xirfadlaha caafimaad ee qaayiba awood u siinaya gaadhidda:
• Himilada, hanka, ujeedka iyo higsiga “Goals, vision, mision and objectives”.
• Hawl-fulinta shaqadda ” Perform at work”.
• Ka qayb-galidda jawi shaqo oo niyadsamaan iyo caafimaad qab u leh adiga iyo jaalka shaqadda
“Contribute to a healthy work environment for yourself and your co-workers”.
3.Horumarinta Caafimaadka “Health promotion”:
Horumarinta caafimaadku waa nidaam dadka caadiga ah amma bulsho waynta awoodsiinaya ka
hortagga iyo xakameynta cuddurada halista ku haya bulshada iyo sidoo kale xaqiijinta heerka
nolosha caafimaadka bulsho waynta dalka ku wada dhaqan. Tani ayaa ah mid u baahan in diiradda la
saaro dabeecaddaha nolosha qofka ” Individual health behaviour” oo la gaadhsiiyo dhammaan
qaybaha kala gedisan ee bulshada, lana fahmo nooca degsiimada iyo cuddurada inta badan ka
dhallan kara.
4. Barashadda Caafimaadka “Health Education”:
Barashada caafimaadku waa aqoon iyo xirfad u baahan joogteynta inta aad koonka joogtid. Mar kale
waa barnaamij caafimaad oo si waafiya u dhiirigaliya ardayga, xirfadlaha caafimaad iyo bulshada oo
sii adkeeya caafimaadka guud ee bulshada, ka hortagga cuddurada, ka foggaanta iyo hoos u dhigida
dhaqannada halista ku ah fayo qabka bulshada.
5. Tiirka Fahanka Caafimaadka “Fundamental health concepts”:
Tirka fahanka caafimaadku waa korinta iyo kor u qaadidda awoodda caafimaadka bulshada, humaag-
tuska nooca bulsho ee aad maanka ku hayso, xoojinta adeegga caafimaad ” Ka dawladda iyo ka
gaarka ah ba”, habeynta cudduda bulshada iyo ta shaqsiga ah, gorfeynta dannaha caafimaadka
bulshada iyo dhibaatooyinka caafimaadka ee gudahooda ka jira.
6. Caaddooyinka caafimaadka “Healthy habits”:
Waa caaddooyin la la qabatimo oo faaiido u leh jidhka, maanka iyo niyadsamaanta qofka xirfadlaha
caafimaad ah iyo guud ahaan bulsho waynta geyiga ku uuman. Sidoo kale waa hab abuuraya xaqiijin
guud, caafimaad wanaagsan iyo shucuur sare. Se waa arrin u baahan shaqo adag oo badannaaba
unki karta horumar iyo baahi maan bedel dhab ah oo maskaxda si wanaagsan u nidaamisa.
7. Yagleelidda Daryeelka Qoyska “Build the healthy families”:
Waxaa jira qorsheyaal badan oo lagu yagleeli karo daryeelka caafimaadka qoyska, waxaana ka mid
ah xoojinta nafaqeynta bulshada, talaalka dhallaanka iyo quudinta qoysaska danyarta ah. Iyada oo
aad kor loogu qaadayo xidhiidhka bulshada,gaar ahaan goobaha tacliinta iyo bulshada danyarta ah.
Gunaanad:
Ugu danbeyntii, qoddobadan sare ku xusani waa kuwo dhammaantood ahmiyad wayn u leh xirfadle
kasta oo cilmiga caafimaadka bartay, waxaana xusid mudan in hirgalinta qoddobadani ay inta badan
ku xidhan tahay sameynta siyaasad iyo qorshe qaran oo caafimaad. Waxaana hubaal ah inuu yahay mid u baahan ka war hayn iyo dabagal joogto ah, waana wasaaradda caafimaadka cidda koowaad ee
mas’uuliyaddani saaran tahay. Runtii xirfadda caafimaadka ayaa ah mid leh kala duwanaansho cilmi
iyo shaqo oo hadana meel ku kulanta. Waayo marka laysku wada geeyo xil gudashada xirfadda
caafimaadku waxay ku soo ururaysaa:
• Baadhidda Bukaanka,
• Daaweynta iyo maareynta xaaladda bukaanka,
• Daryeelka bukaanka,
• Siinta iyo ka hubinta daawada.
• Kala talinta dheelitirka cuntada.
• Ka hortag iyo xakameynta cuddurada.
• Maamulka, maareynta iyo dejinta qorshahasiyaasadda lagu hagayo caafimaadka dalka.
• Cilmi baadhista cudduradda.
• Tayeynta, dhigidda iyo yagleelidda goobo caafimaadka lagu barto.
Intaa hadaan isla fahannay adiga iyo bulshada, saaxiib xirfadle caafimaadlow, waxaa innala gudboon
in awoodda cilmigeennu ka gudbo qol daawo lagu qoro amma maqsin cudduro lagu baadho oo u
diyaar noqonnaa saameyn ku yeelashada maanka ummadeenna oo ka rig-rigan fahanka
dabeecaddaha hagaajiya caafimaadkooda.

Waad mahadsan tihiin dhammaan.

Jamal A. Muse
“BCLS, MsC TID”
hoggaansuubban@gmail.com amma dankaabo@hotmail.co.uk