Fadlan Mudane Madaxweyne Dulmiga iyo Boobka Masuuliyiinta Dawladda hoose Ku Hayaan Umaddi Ku Soo Dooratay Ka Qabo

Shacabka caasimadda Hargeysa ee masaakiinta ah ,waxay khaati ka joogaan boobka iyo dulmiga xadhkaha goostay ee ay ku hayaan masuuliyiinta dawladda hoose,khaaasatn bishii ugu danbeysay oo ay bilaameen inay bulshada ka qaadaan lacago malaayiin ah oo ay dadka ku baadhanayaan, tusaale boobku habka uu u dhacayo baabuurta yar yar ee inta badan dhalinyaradu wadato ee loo yaqaano VITS-ta oo inta badan ay kaga mashquulaan tahriibtii,hadaba dawladda hoose waxay jid googo ku haysaa dhamaan gadiidkaasi aynu soo sheegnay oo mid kasta waxay ka qaadayaan 10$ oo aan la garaneyn waxay ku qabanayaan,iyadoo weliba cashuurtii sharciga ahayd ee wasaaradda maaliyadda ay bixiyeen,sidoo kale meheradihii ganacsiga gaar ahaan kuwa masaakiinta

maqaal-mm-500x265

way gelayaan oo waxay ka qaadayaan ilaa lix malyan oo shilinka Somaliland ah,gaadiidkii kale ee iska rogooyinka iyo kuwa kaleba waxay ka qaadayaan lacago malaayin ah. Hadaba mudane madaxweyne fdlan umadda ka qabo budhcad dawladeenka dawladda hoose oo aan la garaneyn waxay qabtaan waxay cunaan mooyee,fadlan madaxweyne umadda ku soo dooratay ka qabo daalimiinta dawladda hoose,weliba nasiib daradda jirtaa waxa weeyi xoghayaha dawladda hoose oo xukuumadda uga wakiil ah dawladda dhexe wuxuu kow ka yahay boobka iyadoo xoghayihii hore wuxuu ahaa geesi aan ka yeelin maayarka dulmiga uu bulshada ku hayo intii uu joogeyna may dhici dulmi noocan oo kale ahi,xoghayaha cusubi wuxuu ka dhigan yahay meel Aar ka kacay Atoor fadhfadhiisay.

Fariintan waxaan rajeynayaa in ay gaadhi doonto madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uu wax ka qaban doono insha Alla.

Qoraa: Maxamed Ibrahim

Hargeysa/Somaliland

Email:maxamedibrahim5@gmail.com