“Facebook Ma Lihi, Laakiin Dad-baa Iga Been Abuurta” Taliye Fadal

(SLT-Hargeysa) – Taliyaha Ciidaanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa cabasho ka muujiyey dad uu sheegay inay Magaciisa u adeegsadaan isticmaalka shabakadda xidhiidhka bulshada ee Facebook.

Taliye Fadal waxa uu sidaa ku sheegay mar uu caawa la hadlay saxaafadda Waxaanu la socodsiiyay shacabka reer Somaliland iyo cidd-kasta oo isticmaasha Facebook-ga inay sidaa ula socdaan oo ay uga war-hayaan “Facebook aan leeyahay oo aan isticmaalaa habayaraate ma jiro, sidaa daradeed, waxaan u sheegayaa shacabka reer Somaliland inay sidaa ula socdaan oo ay uga war-hayaan.”Ayuu yidhi Taliye Cabdilaahi Fadal

Fadal

Mar uu Taliye Fadal la hadlayay cidda magaciisa sida been abuurka ah ugu isticmaasha Facebook-ga waxa uu yidhi “Waxa jira in magacayga Facebook-ga lagu isticmaalo oo cidda isticmaasha aanaan garanayn, Sidaa daradeed waxaan u sheegayaa Cidda magacayga ku isticmaasha facebook-ga waa inay joojiyaan oo ay ka waan toobaan been abuurkaa ay sameeyeen”

 Xigasho Wargayska Somalilandtoday.