Faallo: Khaal; Samaale , Cam;Moh Biihi iyo Muj: Muuse Biixi midkeebaa xaq u leh Murashnimada Kulmiye: Abdirazak Fozi Abdirahman 26June District, Hargeisa City, Somaliland Abdurrazakfozi@hotmail.com

Salaam :

waxaan aad u salaamay Bahda Somalilandtoday.com oo ka mid ah hay’addaha madaxabanaan ee fikirkasta lagu soo bandhigo shukran , salaantayda labaad waxaan gaadhsiinay cidii awood iyo wakhti allah u siiyo akhrisan qoraalkan kii ugu raaca iyo kii iga soo horjeestaba shurkran

Cudurdaar;

Qoraalkani igama aha jecelaysiga iyo dhex dabaalashda waayaha qabyaladda, ma xiiseeyo mana qadariyo qabiilka, waxaan qofka ku qiimeeyaa kuna doortaa is faham , isku aragtinimo iyo wanaagsanaan.

 

Sida Quraanka Kariimka ah ku xusan, allaah dadka waxa uu ka dhigay Shucuub iyo qabaa’iil, qabiilka uu qofku noqonay maaha mid la doorto, sababta uu allah u sameeyay arrinkan (Qabiilka) waa in la isku garto oo keliya, aniga oo ka duulaya mabda’aas islaamiga ah ee qeexaya in qofku aanu dooran Karin reerka uu kasoo jeedo.

 

Kalifaad:

Qoralkaan waxa igu kalifay; maadaama ay wacantahay in qofkastaa uu cabbiro ra’yigiisa iyo fikirkiisa, islaamnimada aynu lafta ka nahay iyo dimuqraadiyada caalamka isticmalaba ay ina farayso xoriyada cabiraadda fikrika.

 

Ujeedada Qoraalkan:

Si aan u iftiimiyo fikirkayga una cabirkayga ku waajahan ; keeba xaq uleh muraxshnimada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye (Samaale , Moh Biihi oo isku dhinac ah iyo Muuse Biihi  oo dhinaca kale ah ).

 

Mawduuca:

Waxaan maanta halkan ku soo bandhigayaa aragtidayda ku waajahan saddexda siyaasi ee ilaa wakhtigan iyagu keliya isku haysta Kalsoonida Reerka, iyadoo labada wasiir isku dhinac yihiin gudoomiyaha xisbiguna dhinac yahay.

 

Taariikhda Xisbiga Kulmiye markaynu dib ugu noqono, 2010-kii Doorashadii Madaxtooyada waxa Xisbiga gudoomiye u ahaa Mudane Axmed Siilaanyo oo gudoomiyenimadii uga dalacay Madaxweynenimo markuu Xisbigu sharaxay ee xisbigu soo saaray, waxa xaqiiq ah in dadaal ka badan ka Axmed Siilaanyo uu Xisbiga galiyey Mujaahid Muuse Biihi iyo Madaxdii kale ee xisbiga. Axmed Siilaanyo madaxweynenimada kumuu noqon dadaal iyo raganimo gaar ah oo uu kaligii leeyahay waxa uu ku noqday Dadaalkii Xisbiga Kulmiye uu galay.

 

Haddaba markii uu Axmed Siilaanyo noqday Madaxweyne waxa gudoomiyihii xisbiga noqday Mujaahid Muuse Biixi, labaduba (Siilaanyo iyo Muuse) way ka  dalaceen  Xilalkii ay hore u hayeen (Madaxweyne iyo Gudoomiye), taasi waxay cadaynaysaa in noloshu ay tahay horumar iyo kor u socod, maadaamaa Mujaahid Muuse uu mudo dheer dheer lasoo shaqeeyay Axmed Siilaanyo hadh iyo habeenbana uu garab taagnaa iskuna ahaayeen macalin iyo arday siday inoo muujiyeen (allah ayaa og qalbigooda wixii ku jiree) waxa su’aal ah maxaa keenay in qof kale oo waliba cadaysanaya inuu taageero ka haysta Axmed Siilanyo inu leeyahay waxaan tartan la gelayaa Mujaahid Muuse??? , Sababta uu Axmed Siilaanyo u aqbalay in ninkii hadh cad iyo hadh madowba biyaha qasbada la cabayey uu ka doorto cid kale isaga oo garab saar cadaan ah samaynaya maxay tahay???

 

index

Aragtidayda waxaan labada dhinac ku kala saarayaa laba qodob oo ay labada dhinacba midba uu qodob xooga saarayo;

1.      Golaha Dhexe ee Xisbiga halagu kala baxo.

2.      Salaadiinta iyo Reerku hana kala saaraan.

 

Dooda Dhinaca Samaale iyo Moh Biihi :

Waxay markasta ku celinayaan oo uu mabda’oodu yahay halagu kala baxo Golaha Dhexe ee Xisbiga, waa sax waana meesha xaqiiqatan lagu doorto Murashaxa Madaxweyne, laakiin qaabkay iyagu u dhigayaan Golaha Dhexee Kulmiye imika waa meel ay leeyihiin Wasiiradani wayna hubaan in inamadaasi golaha dhexe ay iyaga u taagayaan gacanta sabab; wasiiradani waa kuwa iyagu soo xulay golahan dhexe ee ay isku halaynayaan.

Golaha Dhexe in lagu kala baxo waxa ka horeeya in qofka golaha imanaya uu marka hore kalsooni ka soo qaato Reerka (Salaadiinta), xisbiga reer keliya ma laha waa xisbi qaran oo cid kasta joogto, galaha dhexena reer kasta ayaa ka tirsan.

 

Dooda Dhinaca Muuse Biixi:

maadaama aynu nahay bulsho ku dhex kortay qabali, salaadiinta iyo reerkuna ay ku wayntahay waxa haboon marka hore in Murshaxu uu taageero kasoo helo reerkan uu kasoo jeedo, kadibna uu bulshada kale taageero waydiisto taasi ma sheegayso in maadaama aad reerkaaga ku bilawday cadaali noqon maayo ee waa dhaqan jira oo ayna wanaagsan tahay in laga baxo laakiin maanta sifo kale oo dhaanta ma jirto, kadib kalsoonida Reerka markaad hesho cidii kale ee reerka kale kasoo jeeda ama kii reerka amarkiisa qaadan waayo ee galaha dhexe imaadana aad ka heshid, maxaa yeelaay golahan dhexe waa Inamo ay dhaleen Salaadiintan kalsoonida soo bixiyey, siday u dhici kartaa in inan yari uu dhaafo hadalkii suldaankiisa, hadii uu dhaafo uu Madaxweyne ama wasiir amarkiisa qaatana waxa cadaan doonta in Axmed Siilanyo uu rabo kala jabinta Reerka iyo inuu kasoo dhex taaso dhexdooda oo uu isku diro.

 

Haddaba Xisbigan Kulmiye ee la isku haysto Murashnimadiisa keebaa xaq leh labadan dhinac;-

1-     Wasiir Samaale , Wasiir Moh Biixi

2-     Mujaahid Muuse.

 

Fikirkayga Gaar ka ah ee la aqbali karo , la diidi karo

 

Marka la eego silsilada taariikhda Xisbiga Kulmiye;

Waxa xaq leh Mujaahid Muuse maadaama uu isagu jaranjarooyin soo maray ay ugu dambeeyeen, G/ku xigeen kadibna gudoomiye waxa u hadhay Murashmadaxweyne, hadaa siday u dhici inuu hankiisii uu ilaa 2002 soo waday inuu saqiiro, hadii saaxiibkii Axmed Siilaanyo uu sidaa gartayna ha garto reerka bahdilaada la bahdilayo Mujaahidka oo macnaheedu yahay bahdilaad reer.

 

Marka la eego Danta Reerka:

Waxa xaq leh Mujaahid Muuse Biixi ;

a.      maadaama uu isagu (mujaahidku) reerkan ka dhigay Xisbiga Kulmiye.

b.      Maadaama uu mujaahidku ahaa yahayna qofka reerka matala ee ugu sareeysa Xisbiga, mudo dheerna ahaa Gudoomiye ku xigeen, haddana mudo dheer oo kale ahaa Gudoomiye.

 

Fiiro gaar ah:

Sidee bay u dhici kartaa in qofka mudadaasi dheer xisbiga ka talinayey uu qof kale kula tartamo, halkay joogeen wasiiradani wakhtigii uu Mujaahidku raganimo ku helay gudoomiye ku xigeen iyo wakhtigii uu hadana gudoomiyenimo ku helay raganimo, ma markii uu axmed siilaanyo ka maarmay ayuu iska tuuraya mujaahidka,

hadii sidan dhacdo maba dhacaysee wuxuu sumcad xumo ku yahay ;

1)     Reerka.

a.      Maadama ninkii ay iyagu ay doorteen loo diidan yahay oo loo wado qaar kale oo ayna oglayn haba ahaadaan reerkee,

2)     Madaxweynaha

a.      maadaama ninkii lasoo jabay uu cid kale ka doortay, kuwana iyagana wuxuu ka dooran inanka uu adeerka u yahay markuu doono. waana tusaale cadaynayna heerka daacadnimo ee madaxweynaha.

3)     Wasiiradan (Samale iyo Moh Biixi)

a.      maadaama ay rabaan oo ay doonayaan inay cunaan cadka iyo cuntada walaalkood kusoo tabcay ee uu kasoo 0shaqeeyay ee uu hadh iyo habeenba u taagnaa.

waxaan ku soo gunaanadayaa labadaasi dhinac keebaa xaq leh adiguba akhristow?