Faallo: Dib U Milicso Doorashooyinkii Madaxtooyada ee Somaliland Soo Maray. Qalinkii Xasan Jibriil Cabdillaahi

Doorashadii madaxtooyo ee ugu horaysay oo ay shacabka Somaliland si xor ah madaxwayne ku doortaan ayaa dhacday sannadkii 2003-dii, waxaana ku tartamay saddexdii xisbi ee UDUB, UCID iyo KULMIYE.

Waxaana uu loolanka ugu wayni dhexmaray Madaxwaynihii wakhtigaas ee Daahir Riyaale Kaahin iyo gudoomiyihii xisbiga Mucaaridka KULMIYE Axmed Siilaanyo, waxaana tiro 80 cod ah oo aad u yar ku guulaystay Daahir Riyaale Kaahin.


Doorashadi xigtay ee Madaxtooyada ayaa iyana dhacday 26-kii June 2010, waxaana mar kale ku loolamay Saddexdii xisbi ee hore, sidoo kale waxa uu tartanka wayni u dhexeeyey Daahir Riyaale Kaahin oo ahaa murashixii xisbiga UDUB sidoo kalena madaxwaynihii talada hayay ahaa iyo Axmed Siilaanyo oo murashixii KULMIYE ahaa, waxaana markan cod aqlabiyad ah oo ku dhaw kala badh codadkii dadka reer Somaliland ku guulaystay Axmed Siilaanyo iyo xisbigii KULMIYE, Faysal Cali Waraabe oo ahaa Murashixii UCID ayaa isagu mar kale galay kaalinta saddexaad.

Doorashadii saddexaad ee dadka reer Somaliland si xor ah madaxwayne u dooranayaan qabsoomi doonto 13-ka November 2017 oo ku beegan isniinta todobaadkan, waxaana markan ku tartamaya saddexda xisbi ee WADDANI , UCID iyo KULMIYE, waxaana ku tartami doona Murashaxa xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro oo ahaa guddoomiyihii hore ee golaha wakiillada,halka kuxigeenkiisu uu yahay Ambasaddor Maxamed Cali Aw Cabdi Faysal Cali Waraabe oo laba jeer oo hore u tartamay UCID, waxaana ku xigeen u ah Maxamed Abyan oo ka soo jeeda Sool siyaasadana ku cusub, halka KULMIYE -na uu u tartamayo Muuse Biixi Cabdi oo mujaahidiintii SNM ka mid ah waxaana kuxigeen u ah Cabdiraxmaan Saylici oo 7 sano madaxwayne Siilaanyp kuxigeen u ahaa.

Faysal Cali Waraabe ayaa saddexdii jeer ee doorasho xor ahi dalka ka dhacday waxa uu ka qaybgalay tartanka, sido kale waxaa kucusub tartankan in saddexda murashaxa beesha dhexe ee Somaliland, sidoo kale markii ayuu murashax reer Sool ahi ka qaybgalayaa tartanka madaxtooyada.
Xasan Jibriil Cabdillaahi