faa’iidooyinka qoraalka

qoraal qoraal qoraalku muxuu yahay.

ilaahay subxaanahu watacaala wixii ugu horeeyay ee uu abuuraa wuxuu ahaa qalinka.

markii ilaahay uu abuuray qalinka waa qalamu qadri e  ilaahay wuxuu ku yidhi qor.

qalinkii ayaa hadlay oo yidhi maxaan qoraa ilaahayow maxaan qoraa.

ilaahay wuxuu ku yidhi qor maqaadiirta iyo waxa dhacaaya. ee kownkan dushiisa ka dhacaaya ee ku dhacaaya doonitaanka ilaahay iyo maamulitaankiisa.

waa sida rasuulku ku sheegay xadiith qudsi uu ilaahay ka warinaayo.

 

markii nabiga wax yiga lagusoo dejiyay suuradii ugu horaysay ee soo degta ama hordhaca u ahayd manhajka rabbaaniga ah waxay ahayd,suuratul calaq aayadaha ugu horeeya ee hordharcaha u ah suuradaa iyada ah, ilaahay wuxuu ku bilaabay akhri iyada oo nabiga la baraayo akhriska.

waxaa hadana

ku xiga qoraalka oo ilaahay umada ugu manno sheeganaayo inuu yahay ka wax qoritaanka baray ee insaanka ama qofka baray wax aanu aqoon u lahayn.

halkaa waxaad ka fahmi kartaa muhiimada ay leedahay aqrista iyo qoristu

hadaba qoraalka waxaa ugu wacan qoraal xanbaarsan risaaladii nabiga{scw} loosoo dhiibay laguna fidinaayo wax umada islaamka faaido u leh.

ummada islaamku waa dadka xaga qoraalka ugu caansan ama waxaynu odhan karaa inta maanta qoraal jiraba islaamka ayaa lagaga dayday ama laga eegtayba .

qoraalkii ugu khayr badnaa waxaa la qoray waqtigii cuthman binu caffaan oo ahaa kitaabka ilaahay ee quraanka majiidka ah.

waxaa ku xigay kutubta axaadiista ah ee ay ugu horeeyaan saxeexaynka kuwa la yidhaahdo oo ay qoreen imaamo ilaahay awood qoraal oo rabaani ah uu ku manaystay.

waa imaamu bukhaari iyo imaamu muslim.

waxaa ku xiga imaamu nisaai, imaamu ibnu maajah,imaamu tarmiidi, imaamu abi daauud,adigu ha kala reebinba afarta lagu magacaabo imaamada sunanka.waxaa kuusoo raacda xaga fiqiga cullimada ku xeeldheer afarta imam ee afarta mad hableh shaafici,axmed binu anbal,imaamu abii xaniifa,imaamu maalik, haba ka qaban, waa xidigaha taariikhda islaamka ka dhex ifaaya ee ilaahay ku manaystay inay qalinka is ticmaalaan.

ilaahayna gacantooda u barakeeyay oo ilaa hada magacoodu noolyahay oo intaas masaajidkasta oo khayr ka socdaba laga yaabaa in lagusoo hadal qaado intaas oo jeer.loogana duceeyo. qoraalku waa waxyaabaha ugu faaiidada badan ee la isticmaalo marka aad khayr u isticmaasho.

waa raad qaalli ah oo aad ku kasban karto in magacaagu mudo dheer noolaado, waliba ajarkuna kuu socdo oo sadaqatu jaariya uu kuu noqdo waa marka uu qoraalku khayr yahay e.

umada islaamku waxaynu odhankaraa xaga qoraalka umada ku gaadhaysaa ma jirto oo dunidan soo martay.

cullimada islaamka ee ay ka mid yihiin,ibnu xajar al casqalaani.ibnu taymiya,ibnu qayim aljawzi, imaamu nawawi,sheikh albaani,sheikh naasir sacadi,ayaa iganu ah kuwo xaga qoraalka wacdaro ka dhigay iyo waliba inta aanan halkan kusoo koobi karin oo fikirkoodu ahaa sidii ay jiilka ka dambeeya ugu gudbinlahaayeen khayrka iyo wax qoraal ah oo ku saabsan diinteena suuban.

qoraalku faaidadaa ayuu leeyahay ee ku dadaal qoraalka hadii aad wax qorayso,wax khayr ku jiro qor umadana faaiido u ah waxaan sheegayaa raga ilaahay hibada u siyay qoraalka.

 inta aad sheeko yar oo jacayl ah oo aan wax faaiido ah alahayn qorayso

wax la ugu xasuusto oo waliba dadka khayrka lagu tuhmayaa kugu xasuustaan oo diinta ku saabsan qor.

ragbaa inta ay fikir, muruq,maskax,waqti,iyo waliba dhaqaalo isu geeyaan hadanan qoraaya uun jacayl iyo hablaayaa sidaa tidhi iyo hebelbaa sidaa yidhi ama siyaasad iyo isku dir iyo balaayo.

 wabilaahi towfiiq

by:maxamed cismaan xasan

admas university

maxamed.wali1985@gmail.com