Faahfaahinta Dab Maanta Ka Kacay Idaacadda Radio Hargeysa Iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Oo Ka Hadlay

(SLT-Hargeysa) – Mid Ka mid ah Istuudiyaasha Idaacadda Radio Hargeysa, kaasi oo keenay khasaare kooban.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Somaliland, Md. Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ka hadlay dabkaasi ayaa yidhi “Waxa dhacay oo uu maanta dab yar ka kacay Stuudiyaasha Radio Hargaysa, saacadu markay ahayd sagaalkii iyo badhkii 09:30 subaxnimo, ILAHAY baa mahad leh, isla markiiba waa lagu guulaystay bakhtiitiisa.”

Radio Hargeysaa

Wasiirka oo ka hadlaya sababta dabkaasi kicisay ayaa sheegay “Waxaanu filaynayaa inuu kiciyey shoodh kacay, wax khasaare ahina kamuu dhicin, qalabkii meesha yaalay iyo wax alaale wixii cajalado ahaa, kuraastii, iyo miisaskiiba way ka badbaadeen dabkaasina, daqiiqado ay ayuu ahaa, qiiq ayuubaa kacay, xitaa olal kama dhalan si wanaagsan ayaa naloogu soo gurmaday, waxaan u mahad celinayaa dhammaan shaqaalaha kala duwan iyo Ingineerada ee Wasaaradda warfaafinta, waxa kale oo aan u mahad celinayaa dawladda hoose oo dab-damiska noo soo dirtay” Ayuu yidhi Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta Somaliland, Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan