“Ereyga Ah Xamar baa Nalagu Wadaa Wixii Ka Dhacay Muuse Wuu Ogaa Anna Waan Ogaa, Waa Wixii 1994 Hargeysa Loogu Kala Qaxay, Muuse-na Umadda Xaal Haka Siiyo”

“Muuse Biixi iyo Qayrkii Toona Ka Yeeli Mayno Wax Umadda Kala Qaybiya” Mujaahid Xasan Guure Oo Si Adag Uga Hadlay Eedihii Murashaxa KULMIYE Ujeediyey Guddoomiye Cirro.

Hargeysa (Somalilandtoday)-Mujaahid Xasan Guure Jaamac, guddoomiyaha madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka, sidoo kalena ka mid ah mujaahidiinta Somaliland kuwooda ugu magac wayn ayaa si adag uga hadlay hadalkii ka soo yeedhay Murashax xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ku eedeeyey dhigiisa WADDANI inuu xidhiidh la leeyahay Xukuumadda Soomaaliya.

Muuse Biix oo soo xiganayay muuqaal abaabulnaa oo la soo galiyey baraha bulshada ayaa guddoomiye Cirro ku eedeeyey inuu aaminsan yahay mabda’ soomaali-wayn isla markaana uu dalka Xamar ku shubi doono, waxaana uu Muuse ku muusaanabaay in Cirro uu meel kaga dhacay halgankii dalka loo soo maray.
Hase yeeshee Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa arrinkaas si adag uga hadlay waxaana uu Muuse Biixi ka codsaday inuu raalli-gelin ka bixiyo hadalada uu ku hadlay, sidoo kale waxa Mujaahid Xasan Guure hoga-tusaaleeyey sidii ay ereyada noocaas ah ee dusha la isaga tuuraa ay dhibaato ugu gaysteen Somaliland iyo umadeeda, isagoo tilmaamay in wixii Hargeysa lagu kala qaxay ay ereyadaasi ka mid ahaayeen, Mujaahidka oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi:


“Muuse Biixi Cabdi oo saaxiibkay ah oo abtigay ah oo waliba ragga siyaasadda la isku kaayo tuhmo ah inaan ka maqlo ereyadii ahaa Xamar baa nalagu wadaa iyo Xamar baa la tegayaa, ereyadaas wixii ka dhacay anna waan ogaa Muuse-na wuu ogaa, waa wixii 1994 Hargeysa loogu kala qaxay ereygaas oo aan waxba ka jirin. Haa, ragbaa tegay laakiin shacbigu ma tegin, waa ayaan darro ragayagii shalayto ogaa khaasatan qoladayadii labadaas dhinac ka soo kala jeeday qolana inay tidhaahdo arrintii marya aloolka ayay wadaan qolana tidhaahdo Xamar baa nalagu wadaa oo waa federaalkii waa ayaan darro oo dadka hoose ee masaakiinta ah ayaa ku dhimanaya. Muuse Biixi Cabdi uga dulqaadan maayo kana yeeli maayo, waxaan leeyahay ka noqo oo umadda xaal sii.Nin xamar na gayn karaana ma jiro nin nagu riixi karaana ma jiro, nin dadka isku dili karaana ma jiro cid aanu ka aqblaynaana ma jirto. Nimanka tartamaya waxaanu leenahay ku tartama wax dadka mideeya, ku tartama sidii dhallinyarada shaqo loogu dooni lahaa, sidii umadda biyo loogu qodi lahaa, ku tartama sidii dadka caydha ah wax loogu qaban lahaa taas ayaa umadda midaysee. Waxaan ka codsanayaa saaxiibkay Muuse inuu ka noqdo oo umadda raalli-gelin siiyo, waxaan leeyahay isaga iyo qayrkii midna ka yeeli mayno wax umadda kala qaybiya waar wax na mideeya noo sheega”. ayuu yidhi Mujaahid Xasan Guure Jaamac.

Xigasho: Somalilandtoday.