Eng: Xaashi Ismaciil Oo Kamid Ah Aqoonyahanka Xisbiga KULMIYE Oo Si Weyn U Dhaliilay Hadalkii Wasiir Samsam Burco Kaga Tiiraabtay.

(SLT-Hargaysa) Guddoomiyihii jaaliyada Somaliland ee Washington  Eng: Xaashi Ismaciil oo kamid ah aqoonyahanka muddada dheer tageeraayay Xisbiga KULMIYE ilaa haddana kamid ah tageerayasha joogtada ah ee Xisbigaas, ayaa siweyn u dhaliilay hadalkii Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan kaga tiraabtay Magaalada Burco, hadalkaas oo Madaxweynuhu goob joog ka ahaa, aadna loogu qada dhigay saxaafadda iyo baraha bulshada. Eng: Xaashi Ismaciil oo qoraal uu arrintaas kaga hadlaayo soo saaray ayaa u dhignaa sidan.

image

“Subxaanalaah:
Anigoo ah xubnaha ugu cimriga dheer xisbiga kulmiye, saaxiib dhawna la ah madaxweynaha qaranka iyo Musharaxa xisbiga kulmiye labadaba.

Waxanu si qayaxan u diidanahay hadalada ka arradan anshaxa siyaasada, ilaalinta iyo xishmaynta xilka qaran
Kala irdhaynta qaran yar oo curdina.

Hadaladaas oo ay ku tiraabtay wasiirka maaliyada oo aanu u aragno in aanay taageero u ahayn musharax muuse biixi Cabdi oo ah halgamaa xaq ugu leh cod iyo doorashaba Somaliland balse sida ay u dhigtay aan ahayn mid cid gaar ah cod ka sugaya.

Anagoo ku hadlayna magaca kulmiye iyo ka musharaxaba lama qabno inantaa hadalkaa, hay’adaha sharciga waxanu ka sugaynaa in ay ka gutaan wajibaadkooda hadalada meel ka dhaca ah WAARSO IYO NAATO ay Somaliland ku kala sheegtay.

Somaliland mid ah tartan xalaal iyo walaaltinimo.”

Eng: Hashi Ismail