EBOLA MAXAA INOOGA QORSHE AH(DILAAGA QARNIGA)

Ebola virus waa xanuun dhaliya sababa xanuun daran oo dagdag ah kaasi oo gaadha ilaa xadka dhimasho haddii aan la daweyn .
xanuun dhaliyaha ebola oo ah ilma aragtay(virus) kasoo jeeda qoyska ilma aragtayaasha leh hidda sidaha RNA(RNA genome ,single stranded) ee loo yaqaana filoviridae kuwaasi oo ah qoyska leh dahaadhka sarre ee looyaqaan (envelope) ayaa keena xanuunka loo yaqaan EBOLA HEMMORRHAGIC fever(EHF) se hadda loo yaqaan EBOLA VIRUS DISEASE(EVD), ayaa waxa markii ugu horaysay taariikhda la arkay sanadku markuu ahaa 1976 halkaasi oo uu xanuunku si talantaali ah uga dilaacay labada wadan ee ZAIRE iyo SUDAN. halkaasi oo nooca looyaqaan EBOLA OF SUDAN(EBOS) uu ku dhacay ku dhawaad 284 qof oo kunoolaa sudan halkaasi oo 53% kamiddi dhinteen , halka uu wadanka zairena ku dhacay nooca loo yaqaan ebola of zaire (EBOZ) ku dhawaad 318 qof oo 83% kamid ahi geeriyoodeen .
Intaasi kuma sii joogin ee waxa uu xanuunku sidoo kale ka qarxay yambuku oo ka tirsan wadanka jamhuuriyadda dimuquraadiga ah ee congo iyo xaafad udhaw wabiga ebola, halkaasi oo ahayd halkii uu cudur dhaliyahani kula baxay magaca EBOLA-virus, dhanka kale inta taariikhda lagu ogyahay waxa sidoo kale la sheegay inuu jiray nooc kale oo ebola virus ah loona yaqaan EBOLA OF RESTON(EBOR) kaasi oo laga helay daanyeero laga soo dhoofiyay wadanka philibines sanadkuu markuu ahaa 1989 kuwaasi oola keenay magaaladda Virginia ee ka tirsan wadanka maraykanka. Hase ahaatee waxa la sheegay in noocan laga helay daanyeeraddu aanu keenin xanuunka EBOLA VIRUS DIEASE, dhanka kale qaybaha kale ee ilaa hadda la ogyahay ayaa waxa kamidda EBOLA OF COT’DEVOIR, BUNDIBUGYO iyo TAI FOREST.

Haddaba xanuun dhaliyahan ebola oo ku dhawaad muddo 30 sanno ah aan ka dilaacin dunida guudkeeda ayaa hadda si baaxad leh ugu sii fidaaya wadamadda kala duwan ee adduunka , kaasi oo hadda faro ba’an ku haya wadamadda ku yaal qaaradda afrika ee heerkooda caafimaad iyo dhaqaale hooseeyo wadamadaasi oo ay ka mid yihiin sierra leone, guinea,Liberia, democratic republic of congo iyo Nigeria, waxa sidoo kale la sheegay in kiisaskii ugu horeeyay hadda laga helay wadamadda maraykanka(one case) iyo spain(two cases).
Haddaba, Xanuunkan oo bilooyinkii u dambeeyay isa soo tarayeen dhibaatooyinkiisu ayaa lagu qiyaasay inay udhinteen ku dhawaad ilaa 4,493 oo ah dadyawga ku nool galbeedka afrika.(xigasho.WHO) oo kasoo kala jeeda wadamadda Liberia: 2458, guinea:n843, sierra leon 1183 iyo 8 nigeria ah.

Habkuu u gudbo xanuunku( mode of transmission).
Xanuunka waxa geographical ahaan lagu arki jiray dhulalka miyiga se hadda waxa uu ku dhacaa dhulalka magaalooyinka, hababkuu ugudbaana waa sida tan:
Ilma aragtayga ebola waxa uu ku noolaadaa nooc shinbiraha fiidmeer u eegta ah oo looyaqaan fruitbats,goorilaha, daanyeerka iyo deeradda kuwaasi oo noqon karra gudibayayaasha xanuunka, haddii dheecanadoodu gaadhaan dadka.
Waxa uu sidoo kale ku gudbaa xanuunku istaabashadda tooska ah ee dhexmarta dadka sida dhunkashada hab isasiinta iyo galmadda halkaasi oo uu raaco ilama aragtaygu dareerayaasha jidhaka ka imaada sida: dheecanadda,manida,dhiiga, caanaha naaska hooyadda iyo qandhuufta oo uu qofka bani aadamka ah ka gali karro jajabyadda iyo dilaacyadda ku yaala haraga iyo mucus xuubeedka qofka .
Waxa kale oo qofku ku qaadi karaa isticmaalka alaabadda ay gaadheen dheecanadaasu sida: go sariirta, dharka, tuwaaladda iyo qalabka caafimaadka sida respiartorka, medical scrubska,medical maskska iyo double gloveska
Waxa xanuunka sidoo kale uu ku gudbi karaa taabashadda naxashka maydka qof ebola udhintay lagu sido haddii dareere gaadho iyo maydhista maydka ebola udhintay.
Sidoo kale waxa xanuunka gudbin kara qof ka bogsaday ebola haddii uula galmoodo xaaskiisa muddo ku dhaw 7week.
Waxa kale oo xanuunku ku fidi karaa isticmaalka hilibka neef ebola u dhintay.
Calaamadaha xanuunka ebola.(symptoms)
Xanuunku waxa uu qofka kusoo ritaa inta u dhaxaysa 2-21 cisho ,qofkunna ma dareemo xanuunka ilaa calaamaduhu soo ritaan. Calaamadaha waxa kamidda
xumad daran, daal ba’an, muruq xanuun ba’an, madax xanuun, cunne xanuun.
Matag, shuban, finan haraga kasoo baxa, kalyo xanuun iyo beer xanuun
Dhiig furan gudeed iyo dibadeed( mostly internal bleeding)sida Shuban dhiig wata iyo dhiig ciridka ka imaada.e

Ka hortagga xanuunka ebola( prevention)
Ka foogaansho laga fogaado xayawaanka duurjoogta ah ee xanuunka dhahliyaha hoyga u ah.
taxadir lagula macaamilo dadka xanuunka qaba, maydka udhintay xauunka iyo dadka ka bogsadayba
iyada oon lawada isticmaalin tuwaaladda iyo dharka.
Iyada oo la yareeyo galmadda xaaraanta ah, dhunkashadda iyo is gacanqaadka
shaqaalaha caafimaadka oo xidha gloves,masks iyo iyaga oo ku dadaala inay si joogto ah u maydhaan gacmahooga.

Daaweynta ugu macquulsan ee xanuunkan lagula tacaali karro( treatment)

Ilaa hadda lama hayo talaal cudurkan lagaga hor tagi karo ,se waxa la sheegay inay jiraan dawooyin ay soo saareen shirkaddo maraykan ah , se nasiib darro hadda sheegaya inay dawooyinkaasi kala go’een.
Sidaasi daraadeed habka ugu haboon ee lagu tacaali karro cudurkani waa
Iyadda oo fuuq celin loo sameeyo qofka xanuunku asiibay( supportive care rehydration)
Daawooyinta calaamadda xanuunku wato sida shubanka,mataga,muruq xanuunka iyo madax xanuunka.

Tallo
Waxaan dawladda iyo shicibkaba kula talinayaa haddii uu cudrkani ka dilaaco wadamadda ayn jaarka lanahay in:
Si adag loo kaantaroolo isu socodka dadweynaha ee bad, berri iyo cirba leh een la leenahay wadamadda jaarka.
In dad iyo dawladba loo guntaddo sidii loo joojin lahaa cunista qaadka inaga soo galaya wadamadda jaarka muddada aafadani jirto.
In dawladdu diyaariso goobo lagula tacaalo dadka xanuunku asiibo( alle inooma keene)
In dawladdu wacyigalin ka qabato xanuunkan iyo dhibtiisa
In nadaafadda magaalooyinka iyo goobaha dadku ku badanyihiin la dhawro.

Gabogabo
Xanuunkani ilaa hadda waxa uu marayaa meel halis ah taasi oo dadka qaarkii ku andoocanayaan in loogu tallo galay inlagu yareeyoo taranka iyo tiradda dadyawga afrikaanka ah.
Halka qaar kale sheegayaan in cudur dhaliyaha ebola sababta dunida guudkeeda hadda loogu arkayaa ay tahay sabab dhaqaale oo ay wadamadda iyo shariikadaha waaweyn ee daawooyinka farsameeyaa ku doonayaan suuq dhaqaale oohor leh, sidoo kale waxa taasi aan kasii fogayn fikrad kale oo odhanysa waxa loo tijaabinyaa sidii uu hadhaw u noqon lahaa hub lagu dagaalamo( biological weapon).
Sidaasi awgeed waxa la gudboon dhamaanba ummad weynaha somaliyeed iyo gaar ahaanba ummadda reer Somaliland dawlad iyo shicibba sidii ugu haboonayd ee looga hortagi lahaa xanuunkanni faraha baas ku haya wadamadda afrika in laga fakaro.
Qalinkii: Mohamed abdilaahi biihi.
medical student, Addis ababa, ethopia .
biixiyare@hotmail.com

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Fekrada Iyo Qaabka Fahan Ee Qoraalkan Waxaa Iska Leh Qoraaga Ku Saxeexan, Kasbashadiisa Iyo Ka Booditaankiisuna Wuxuu Gaar U Yahay Isla Qoraaga. Marnaba Kama Masuul aha Shabakadda Somalilandtoday.com Balse waxay Shabakaddu Diyaar u Tahay Is Dhaafsiga Rayiga Gacal Wadaaga Ah……..