Ebola Iyo Cabsida Dadweynaha Maraykanku Ka Qabaan

(SLT-London) – Christofer stoke oo ka Tirsan hay’adda dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ayaa sheegay in Qaadhaanka Loogu Talagalay Xakamaynta Ebola ay gaabis tahay,

Wuxuu intaasi ku daray in ilaa hadda lagu guulaysan kari la yahay Joojinta Cudurkan Gaar ahaan Dalalka Liberia, Siralyon, iyo Gini.

MSF ayaa Sidoo Kale Sheegtay in 1000 Qof oo aeddexdaas Dal ka Tirsan ay u Jiifaan Cusbitaallada Taasoo MSF ay La Tacaalayso 700 oo ka mid ah oo kaliya, waxa kale oo ay warbixintu intaasi ku dartay In Xadigga Dalalkaas Ka Soo Ghaadhay Lacagta Loogu Talagalay in lagu Xakameeyo aanay ahayn mid Dabooli karta  La dagaalanka Cudurkan

Hasa yeeshee Madaxa  Q.M. u qaabilsan Gurmadka Xanuunkan Ebola Ee Dalka Gaana ayaa Sheegay in Loo Baahanyahay Taageero iyo Gurmad Ku Sadex Jibaarma inta imika soo Gaadhay Dalalka Galbedka Africa.

Xoghayaha  Guud ee Q.M Ban-kin Moon  ayaa dhiniciisa Ka sheegay in Lala Daahay Qaadhaankii Cudurkan Lagu Xakamayn Lahaa ee lagu Yaboohay Taasi Oo Beesha Caalamku Laga sugaayey Waxaanu Ku Baaqay in si dhakhso ah lala soo gaadho Qaadhaan Cusub oo hor leh .

Ban-Kin Mon  ayaa intaasi Raaciyey in Deeqdii hore Loogu Yaboohay oo dhamayd $988 milyan ay Soo Gaadhay  Kaliya 38% Xanuunkan Oo Ku sii Fidaaya Dalal hor leh  Waxana ilaa imika u dhintay Xanuunkan  Tiro 4500 oo qof Oo Badan koodu Ka Soo Jeedaan Wadamada  Liberia, Siralyon iyo Gini.

Dhanka Kale Maraykanka & Cabsida Ebola

 Dalka  Maraykanka ayaa Cabsi Xooglihi Ka Soo Yeedhay Ka dib Markii qof kale laga helay Xanuunka Ebola Iyadoo dalka Maraykanku Ka mid yahay Dalalkii u dambeyey  ee Todobaadkii hore Laga Xaqiijiyey in Cudurkani Gaadhay. shalay ayaa haweenay kalkaaliso ah  uu soo Riday Xanuunka Ebola, taasi oo oo ka shaqaynaysay Cusbitaal ku Yaala Gobolka Atlanta.

Ebola

Arintan ayaa Keentay in Madaxwayne Obama  uu Badalo Jadwalkiisii Shaqo isagoo Si Degdeg ah ula Kulmay Golihiisa Wasiirada Waxaanu Faray in si Degdeg a hlooga hawl-galo oo loo kormeero, loona hubiyo Xaaladan Cusub ee ku soo Korodhay Dalkiisa iyadoo Kiiskan Cusub ee Atlanta uu Yahay buu yidhi astaan halis ah.