Duuliyayaasha Diyaaradaha Rakaabka Ee Ingiriiska Oo Cabsi Badani Soo Wajahday Xili Ay Sii Kordheen Diyaaradaha Aaney Cidi Wadin Ee Hawada Dalkaasi Isticmaala.

(SLT-London)-Duuliyayaasha Ingiriiska ayaa ka digay in dalwadu ay tahay in ay soo rogto shuruuc adag si looga hortago halista teknoolojiyada diyaaradaha aaney cidi wadin (ee droneku) ay ku hayaan diyaaradaha rakaabka ee hawada isticmaala, iyo sidoo kale khataro kale oo ay sheegeen in ay soo ifbixi karaan.

Urur Ay Ku Midoobeen Duuliyayaasha diyaaradah ee Ingiriiksa oo magiciisa loo soo gaabiyo BALBA ayaa sheegay in teknoolojiyada diyaaradaha aaney cidi wadin ay si dhakhso ah horumar u sameyneyso ,laakiin loo baahanyahay in la xadeeyo tirada iyo tayada diyaaradaha caynkan ah.

unnamed

 

Ururkani waxa uu sheegay in ay suuragal tahay in mudo toban sano gudahooda ah lagu soo saaro nooc diyaaradaha aaney cidi wadin oo qaada rakaabka ama loo adeegsado hawlo kale oo ganacsi, iyada oo diyaaradaha (drones-ka ) ee iminka shaqeeya keliya loo adeegsado arimaha la xidhiidha xog uruurinta dhulka, waxaana ay codsadeen in ka hor inta aaney diyaaradahani hawada Ingiriiska soo gelin ay muhiim tahay in shuruuc adag laga diyaariyo.

Waxay intaasi ku dareen in diyaaradahani si la mid ah kuwa ganacsiga ee waaweyn iyo kuwa milatariga ay sababi karaan khasaaro nafeed iyo mid hantiyeed, sidaa darteed waxay dawlada Ingiriiska ugu baaqeen in ay shuruuc adag ka diyaariso adeegsiga diyaaradaha aanuu duuliyuhu wadin ee hawadeeda dulmeera.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday