Dunida Islaamka Oo Maanta Looga Debaal-degayo Dhalashada Sanadka Cusub Ee Taariikhda Higriga Iyo Hambalyada Madaxwaynaha Somaliland

SLT-Hargeysa) – Waxa Maanta dunida Islaamka looga debaal-degayaa dhalashada sanadka cusub ee Islaamka ee 1436 hijriga.

Madaxwaynaha Somaliland, Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhalashada sanadka cusub ee Islaamka awgeed dhambaal hambalyo ah u diray shucuubta Islaamka iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland, isaga oo ILAAHAY ka baryey in sanadkan kiisa kale uu innagu gaadhsiiyo nabad-qab iyo horumar.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed shalay ka soo baxay qasriga Madaxtooyada oo uu ka saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Axmed Saleebaan Dhuxul.

Dhambaalka Hambalyada ah ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha JSL, waxa uu Munaasibadda Sannadka Cusub ee Islaamka 1436 (Hijiriyada), awgii oo ku beegan  Sabtida Beri oo taariikhdu tahay 25.10.2014, Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u dirayaa Guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ILLAAHAY Kabaryayaa inuu Shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sanadkan Sanadkiisa ku gaadhsiiyo Bash-bash, Baadhaadhe iyo Barwaaqo, inta Buktana uu ka Dulqaado Xanuunka, inta Caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo.

10603309_1489950311258473_9075736453777022080_n

 

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Hambalyo taasi la mid ah u dirayaa Wadamada Islaamka iyo shacbiga Muslimiinta ah ee ku nool dunida dacaladeeda oo uu leeyahay sanad wanaagsan oo wacan.

Ugu danbayna waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland ugu Baaqayaa inay nabad-gelyada iyo Qaran-nimada Dalkeena, heegan u ahaadaan meelna uga  soo wada jeedaan oo ay indho dheeraada u yeeshaan sidii ay hore-ba ugu  soo jeedeen si aynu u gaadhno himiladeena qaran-nimo”

SANNAD WANAAGSAN OO WACAN

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday