DUMUQURAADIYAD MAXAA INAGU WATA INAGOO KITAAB WA SUNNA XAGA ALLAH S.W KA YIMID HAYSANA

Democracy Ama Dumiquraadiyad waa laba kalmadood oo af Greece ka kooban hadii af carabi lagu macneeyana waa ” حكم الشعب” hadii af somali lagu macneeyana waa xukunkii shacabka ama xukunkii dadwaynaha Professor Muslim ah oo la yidhaahdo Jacfar Idiris ayaa waxuu yidhaahdaa waa Erayga Kaliya Ee Magac ah laakin aan xaqiiqo Lahayn Waayo Dunida lama arag buu leeyahay Meel shacab Dhami wax xukumo calaa Kuli xaal waa nidaam siyaasi ah sida uu hada u yaalo Ee Dunidani iskaga Dhaadhicisay saldhigna ay u tahay in qaabka xukunku sadex qaybood kala noqdo President, Ministers And Parliament, Maanta Qaabka Magacu u yaalo oo ah xukunkii shacabka oo Athens lagu xukumi jiray qarniyo ka hor caalamka kama jiro Waayo wakhtigaa Greece isticmaali jiray xataa dadwaynuhu may wada xukumi jirin wax Dumarku Kuma jirin, Caruurtuna Kuma jiri jirin, Adoomuhu kumay jirin iyaguna, dhalashada rasmiga ah e Greece ga qofka aan lahayni kumuu jiri jirin isna,  waxay ahaayen kooxo yar oo kooban oo u badan .

DSC_0256

Philosophers iyo inyar oo dad ah oo la socotay taa Marka laga yimaado nooc kalaa jira oo Dumiquraadiyada oo ah nooc qudha noocaasna Dunida wadan qudhaa ku dhaqma oo waa Switzerland waa sadexdii aynu kor ku soo xusnay oo koox qudhi isku wada Hayso ahma parliament ga ayaa wasiiraduna ka tirsan yahiin Madaxweynuhuna ka tirsan yahay dabateena Nidaamka jimiiciya ayuu u sii daadaga, qaybta kalana waa qaybta loo yaqaano parliamentarian ka oo iyaduna laba qaybood u qaybsanta waa qaybta parliament ga la doorto baarlaamkuna Ra’iisal wasaaraha doorto iyo qayb Madaxwaynaha toos loo doorto oo qaybtaas maraykanka ah isku Soo duuduuboo wa nidaam ku salaysan ” Xaq iyo Baadil ma yaqaan Cod dheeri Buu Yaqaana, Wanaag iyo Samana ma Yaqaano Cod dheeri buu Yaqaana, wuxu xataa hadii uu xun yahay oo uu cod dheeri haysto waa xalaal, Haduu San Yahay Oo aanu Cod Dheeri Haysan Waa Xaraan, Matalan khamriga aduunka cid tidhaahda wuu fiican yahay ma jirto hadana cod dheeri buu haystaa shalay bay ahayd markii maraykan khamrigu mamnuuuca ka ahaa, Markii Europe Diimuhu Tiro bateen Ee afkaartii Tiro badatay ee wax kaataa Tiro bateen qaab ay u wada nooladan waxay u doorteen Democracy Gan oo ah cod dheerida yaa leh, dabeetana cidiI codka 51% Heshaa uun Meesha Maamusho Hadama Islaam nimadu taa way ka gadisan tahay Islam nimadu waa waxyi minaa samaa Allah soo dejiyay,  wax aynaan dhaafi Karin baa jira oo ah kitaabka iyo sunnah Iyagana waxa jirta wax ayna dhaafi Karin oo ah dastuurka inagoo arkayna markaa kitaab wa sunna dii Allah soo dejiyay maxaa Democracy inoo gaynaya waa su’aal furan !!!!!?

Zaki Ahmed Elmi

Munich Germany

Zakibowwow@gmail.com