Dumarka Iyo Xafiisyada Dawladda

Maalinta aynu arkayno dumar qabanaya shaqooyinka dawladda, tiro ahaanna u dhigma ragga, ee aynu odhan karno; dumarku waxa ay leeyihiin xuquuq la mid ah ta ragga ee qabashada xililka dawladdu waa mid u baahan mudo aad u dheer. Si aynu u fahano natiijada togan ama taban ee ka dhalan karta in dumarka lagu aamino xafiisyada dawladda, waa in aynu saadaalinaa bulsho ay inta badan dumarkeedu shaqeeyaan, ama wax u bartaan si ay shaqo u helaan.

Natiijada koobaad ee ay tahay in aynu tixgalinaa waa in aynu qirno in dumarku buuxin karaan boosaska shaqada, si la mid ah sida ragga. Haddii aynu taa qirno, waxa aynu aqoonsannay mid ka mid ah

waxyaababaha ugu muhiimsan ee ay dumarku inaga dalbanayaan oo ah in ay qaban karaan shaqo walba. Hadaba, natiijada tan ka dhalan kartaa waa haddii la helo dumar ah qoraa, dhakhaatiir, injineero iyo garsoorayaal, sidoo kale waxa la helayaa dumar noqda xubno baarlamaan iyo wasiiro. Halkaa marka ay marayso akhristuhu waa in uu ogaadaa in sawirka aan bixinayaa uu yahay mid ka hadlaya mustaqbalka fog – runtii waxa laga yaabaa mustaqbal aad u fog. Hadaba, waxa aan ka hadlayaa wakhti ay badi dumarku shaqaystaan, gaar ahaan, dumar badani ay hayaan xilal dawladdeed, taas oo ah ta su’aashu ka taagan tahay.
Natiijada labaad ee tixgalinta mudanina waa saamaynta uu horumarka noocan ahi ku yeellan doono qoyska. Gabadha da’da yar ee shaqaysataa ahaan mayso sida ay maanta tahay gabadha yar ee da’deeda ahi, waa ay is badali doontaa: waxa ay noqon doontaa qof qiime ku leh aqalkooda oo la qadariyo. Waxa ay xor u noqon doontaa dhamaan go’aamada khuseeya nolosheeda gaarka ah. Xaaladdaas gabadhan yari waxa ay noqon doontaa il dhaqaale oo qoysku leeyahay halkii ay ka ahaan jireen hablaha da’deeda ahi kuwa culays dhaqaale uun reerka ku haya oo aabbahood ku hoos nool. Intaa waxa dheer, aragtida dumarka ee ku waajahan guurku waa ay is badali doontaa: guurku ma sii ahaan doono wax agteeda qiime wayn ku leh oo ay isaga (guurka) dartii uun u nooshahay. Arintan ayaa keeni doonta in ay diiddo in ay guursato qof kasta oo soo doonta. Berrigii hore waxa ay ahaayeen sida alaab qiima jaban oo uu iibsado qofka ugu horeeya ee isku dayaa, hada se waxa ay leedahay awoodda ay ku dooranayso ninka ay u aragto in uu ku haboon yahay, haa ka ay ku qanacdo in uu iyada u qalmo.

Arimahaas oo dhan marka aynu eegno, xiisihii iyo jacaylkii ka dhexeeyay lamaanaha is qabaa ayaa uu dagaal aad ahi ku socdaa. Xaaska waxa laga yaabbaa in shaqadeeda loo beddelo waqooyiga wadanka, saygana loo beddelo koonfurta dalka, sidaa darteedna ay u kala maqnaadaan mudo. Hadaba, caqabaddaha sidaa u adag darteed, mid kastaaba waxa uu heli karaa kumanaan sababbood oo uu ku dalban karo furiin. Sidan oo qiimihii iyo milgihii guurka lagu waayayo, heshiiskiisuna noqonayo mid aan muhiimad wayn la siin. Waxa uu noqon doonnaa wax sida loo dumiyaa fududdahay aan haybad na lagu siin bulshada dhexdeeda.

Waxa sidoo kale aynu isku arki doonnaa mushkiladdo badan oo dadka ku nool wadamada horumaray ka cawdaan: dhibaatada shaqo la’aanta. Shaki kuma jiro, in tartanka ka dhexeeya gabdhaha iyo wiilasha uu gali doonno goobaha shaqada, tan oo keeni doonta in dad badan oo soo qalinjabiyay ay shaqo la’aan ku dhacaan. Waxa intaa dheer, waxbarashadooda oo caadiyan ah mid aanay gacanta wax ka qaban karin, iyo in ay barteen faracyada kala duwan ee aqoonta ayaa garan siin doonta in ay aaminaan in aanay qaban karin shaqooyinka bulshadu u baahan tahay ee suuqa looga baahan yahay. Waxa laga baqanayaa in ay ku noqdaan bulshada oo ay ka hor yimaadaan shuruucda wadanka.

W/Q: Najiib Maxfuud

W/T: Jimcaale Mohamed ( https://www.facebook.com/jimcale.xamari)

Waxa qoray qoraagii waynaa ee reer Masar Najiib Maxfuud, waxa uu maqaalkan qoray 11kii October 1930kii, waxaanu ka mid ahaa taxaanu todobaadkiiba mar ka soo bixi jiray wargaysyada Qaahira. Waxa uu ku saadaalinaayay waaqic aynu hadda aragno, inta badan aragtiyihiisu waxa ay ku salaysan yihiin waaqicii ay reer Masar ku noolaayeen waagaas, iyo mustaqbalka sida uu u arkayay. Badi waxyaabaha uu sheeggay waa kuwo aynu marag uga nahay oo dhacay socdana.