Dumarka Dalka Tunisia Oo Loo Fasaxay Inay Guursan Karaan Ragga Aan Muslimiinta Ahayn.

(SLT-Tunis)Dawlada Tunisia ayaa baabi’isay sharci ka mamnuucayay haweenka inay guursan karaan rag aan Muslim ahayn iyadoo sharcigaasna uu yahay mid ka horimanaya shareecada Islaamka.

Afaheen u hadashay Madaxweynaha Tunisia Beji Caid Essebsi ayaa ku dhowaaqday go’aankan iyadoo ugu hambalyeysay haweenka inay heleen xornimada ay qofkii ay doonaan ku guursan karaan.

Ragga aan Muslimka ahayn ayaa shareecada Islaamka qabtaa inaysan guursan Karin gabdhaha Muslimiinta ah hase yeeshee go’aanka ka soo baxay dowlada Tunisia oo boqolkiiba 99 dadka ku nool ay yihiin Muslimiin ayaa haatan u baahan doonin raga aan Muslimka ahayn inay soo islaamaan kahor inta aysan guursan gabar Muslimad ah.

Wadanka Tunisia ayaa noqonaya dalkii ugu horeeyay ee Islaam ah oo sharcigan dhaqan geliya,waxaana dadka ku nool dalka Tunisia ka mid ah dad Yuhuud ah iyo tiro aad u yar oo ah Masiixiyiin.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office