Doorasho Xor Ah Oo Xaalaali Maka Dhacday Somaliland Mase Ka Dhicidoontaa.

Doorasho xor ah oo xalaali ma ka dhacday Somaliland mase ka dhicidoontaa Somaliland, runtii waa su’aasha ugu taagan uguna muuhiimsan geeddi socodka wadanka Somaliland iyo mustaqbalkiisa waana (question of the moment) nin sasuusan iyo nin is ilawsiiyaba. Todobadii sano ee u dambaysay ee Xukuumaddii Siilaanyo iyo xaaskiisu gadhwadeenka ka ahaayeen waxaa ummadda horteeda ku maydhmay oo maamulkaasi qalbiga ummadda ka xiiray midnimadii iyo goosashadii iyo ictiraaf raadintii oo ku abuuray inay wadanka aan la wada lahayn oo been cad ah. Sheekada maangaabnida ah ee la yeehay XANAFTII DOORASHADU REEBTAY waa sheeko marin habaabin ah oo raad gadanayo siyaasadda Kulmiye ee dadka qalbigoodii wada Somaliland ahaa lagu kala

qaybiyey ee beertay ama keentay in doorasho ku sheegkasta lagu shubto. Xaqiiqadii doorashada Wadani boqolkiiba dhawr iyo Konton buu lahaa dawladaa boobtay oo Muse Saartay. Arinta meesha taalla waa khamaarkaa u eeg kii Afweyne ku ciyaaray Somali Republic tii beri jirijirtay ee uu yidhi Daarood baan wadanka ku soo xaraynaynayaa oo Xukunka aan cid kale la wadaagi doonin tan jeegaantu wadaana waatii oo kale wax Somaliland la yidhaa ewelba beesha dhaxaa ku midaysnayd tiina Kulmiyaa baabiyey , sheekada xanaf doorasho waa beer laxawsi iyo god mulac ee wadanku wuu ka burbursanyey xagga qalbigii Somaliland nimada. Sida muuqatana gobollo yaryar oo suuqyo yaryar oo doolar iyo bir lagu kala qaato ayuu ku dambaynsya.

Su’aasha weyn ee reer Somaliland hortaala suurto gal ma tahay in doorasho xori ka dhacso Somaliland ama mid madaxtooyo ha moqoto ama mid kale waa maya. DAWLADII RIYAALE KA DIBA MA MUUQATO OO DAWLADII DOORASHO QANA LAHAYD XORI MA JOOGTO DALKA.

WASIIR REER HEBEL LA SIIYO IYO DAWLAD UMADI WADA LEEDAHAY ISUMA EEKA WASIIRNA DAWLAD MA NOQDO EE NIDAAM DAWLADEED OO DAD IYO XOOLO IYO DIINKABA U DHEXA BAA DAWLAD NOQDA.

M BASHE (Meerkat)